Dawlada Soomaaliya Oo Go'aan Ka Gaadhay Heshiisyo Lala Galay Wadanka Qatar
Muqdisho(HWN):-Golaha wasiirada dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa go’aan ka gaadhay heshiisyo ay dawladu la gashay dalka Qatar.
Shirkii golaha wasiirada soomaaliya ee khamiistii ayaa la keenay heshiisyo ay dawladu la gashay Qatar oo ku saabsan dhaqaalaha iyo maalgashiga, kaas oo ay soo diyaarisay wasaarada qorshayntu.
War ka soo baxay shirkii golaha wasiirada ee soomaaliya ayaa lagu sheegay in la ansixiyey heshiisyada ay dawladu la gashay Qatar, waxaanu lagu yidhi warkaas "Golaha ayaa meel mariyay Heshiisyada dhiirri gelinta iyo ilaalinta maal-gashi iyo dhaqaalaha iyo farsamada ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar oo ay golaha usoo gudbisay wasaaradda qorshaynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha.”
Golaha wasiirada soomaaliya ayaa warka ay ka soo saareen ansixinta heshiisyadaas waxay kaga gaabsadeen inay bulshada u soo bandhigaan heshiisyadaas oo faah faahsan.