Xukuumada Muuse Oo 10 Bilood Gudahood Lagu Yeeshay $23 Milyan
Hargaysa (HWN) Wasiirka
Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, oo 10 bilood ka hor
sheegay in daynta Dawladda lagu leeyahay tahay 22 Million oo dollar, ayaa isla
toddobaadkii hore sheegay in deynta Dawladda lagu leeyahay ay tahay 45 Million
oo dollar, taas oo ka dhigan farqiga u dhexeeya 10 bilood ay tahay 23 Million
oo dollar.
Wasiir Sacad Cali Shire
oo 10 bilood ka hor u warramayey Sidiiq Birmad oo ka tirsan Telefishanka BBC
Somali, ayaa sheegay in deynta lagu leeyahay ay tahay 22 Million oo badankeedu
ahaa deymo laga dhaxlay Xukuumaddihii kala dambeeyey ee Somaliland soo maray ee
Cigaal, Rayaale iyo Siillaanyo, halka uu toddobaadkii hore sheegay in daynta
lagu leeyahay Xukuumaddu tahay 45
Million oo dollar.
Saleban Saxansaxo