Maxkamada Sare Oo Xukuntay In Urur Siyaasadeedka Talo-wadaag Oo Hadhay Lagu Daro Ururada Soo Gudbay
Maxkamadda Sare ee
Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dhagaysatay Dacwad Idaari ah oo u dhaxaysay
Urur-siyaasadeedka Talo-wadaag iyo Guddida Diwaangalinta Ururada iyo Ansxinta
Axsaabta Qaranka, taasi oo ku qotontay Racfaan uu Ururka Talo-wadaag ka soo
qaatay go’aan ay hore u soo saareen Guddida Diwaangalintu Ururada iyo Ansixinta
Axsaabta Qaranka.
Maxkamadda ayaa dacwada
dhagaysigeeda u fadhiisatay salaasadii oo ay bishu ku beednayd 15/11/2022-ka,
waxaanay dhagaysatay dood-afeedkii iyo cadaymihii ay darafyadu ku soo
bandhigeen Maxkamadda horteeda. Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland
markii ay daristay doodii iyo dhammaan cadaymihii ay dhinacyadu u soo
gudbiyeen, waxa ay xukuntay in Uur-siyaadeedka Talo-wadaag u gudbay tartanka
Doorashada Axsaabta Qaranka, sidoo kale waxay Maxkamaddu fartay Guddida
Diiwaangalinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka in
Urur-siyaasadeedka Talo-wadaag lagu daro liiska ururada gudbay ee loo gudbinayo
Guddida Doorashooyinka Qaranka ee ka qayb qaadanaya tartanka doorashada
Axsaabta Qaranka.
Waxa xusid mudan in
ururadii Guddidu sheegtay in ay ka hadheen ama aanay buuxin shuruudaha loogu
gudbayo tartanka doorashada Axsaabta Qaranka, uu Ururka Talo-wadaag oo kali ahi
u soo gudbiyay Maxkamadda dacwad uu kaga soo racfaan qaatay go’aankaasi.
Halkan hoose ka akhriso
xukunkii Maxkamadda Sare ka soo saartay dacwadan:-