Dhega-Laay Adkayso Aduunka Wax Laga qarinayaa Ma Jirto, Oo Jooji Cabaadka ( Abdi-Shotaly).

0
Monday November 21, 2022 - 09:25:10 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 906
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Dhega-Laay Adkayso Aduunka Wax Laga qarinayaa Ma Jirto, Oo Jooji Cabaadka ( Abdi-Shotaly).

    * N. B Afeef Horaa La Yeeshaa Ama Adkaysi Dambe, Kolba Derbi La Isku a Qaafee!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N. B Afeef Horaa La Yeeshaa Ama Adkaysi Dambe, Kolba Derbi La Isku a Qaafee!


Akhrista-yaal waxa beryahan dambe maqlay-saan, Arimaha ka soo butaacaaya Maamulka uu hor-joogaha ka yahay askarigan ku jira guriggii Moorgan, ee wax aanu hayn is biday, naftuu xuurta is geliyey, hadana xaarka ka wadhaaya marka Aduunka loo ban-dhigo dalkan uu caynkii iyo baydiiba u jaray.


Waxan uga socdaa oo igu kelifay maqaalkan. Kuwa uu ku adeegto ee "Digsi xagato" ee reer walba uu ka soo xushay, oo fagaara-yaasha iyo war-baahinta isla Soo taagaa ya oohin, isna leh wax baad ku hadlay-saan, kuwaas oo u baryoota-maya askariga ina aan wax uu walaaqa-naayo Aduunka loo gubin, farsama-diina ay ku joojin lahaayeena ay ka dhabaqsan tahay.



 

Bal ila eegoo waxay ka Qabsatay " Gacamo geel-jire HOOS baa loo dhaqaa" oo ujeedadda ay ka leeyihiin ay tahay marka la soo koobo " Noo Xil Qariya" waxay ina leeyihiin inaka baa wax dhamaysan jirney, ee ha inoogu yeedhina Beesha Caalamka, Waayo wixii aanu cuni jirey bay naga jarayaane.


Muwaadin, waxa la yidhi " Kaadi badan waa loo gogol badiyaaye" Waa duul aan is dhegaysan, oo mid-ba-mid ka daran yahay beenta iyo is-Yeel-Yeelka', hadday doonayaan in hoos loo dhaqo "Gacmaha Geel-jiraha" Waxani-ba may joogeen saaka, ee Beri hore waa Kuwii yidhi iyaku " Sare u dhaqa Gacmaha" Si cid waliba u aragto, bal waxad ku qaadi kartaan, maxay imika dabadda la soo jeediyeen.


 

Miyaan ay ahayn Kuwii diiday Kuwii hoos u dhiqi lahaa, oo ah Madax-dhaq-meedkii Somaliland oo dhan Hobol kaste iskaga yimi, Culimaddii, Ganacsa-taddii, Qaybihii bulshadda ee kala fuwanaa, Talddii Xusbiyadda Mucaatidka ah, Gudoomiya-Yaashii labadda Gole, inkasta oo uu " Saleebaan Yuhuudi" Uu hoosta kala socday iyaka, daacad-na aanu ka ahayn xaajadda. Maxay imika u leeyihiin meel dheer baad geyseen.


Kuwa ay ku dhego hadla-yaan ee Aduunka Wax u qorey, waxa ka mid ah aniga oo ah Ninka Maqaalkan qorey. Ee cirka ha soo gujiyeen meel walba waanu u qorey-naaye, xataa waxa aanu gaadh-siinay oo intaa sii dheer jaraa'idka iyo TV-yadda Caalamka Beenta uu u sheego ku quudiya "Af-kagga oo ku xidha, kuna sii dayn Alle go'o baa la yidhaa-haaye" Jiq ha idinku ahaa to.


 

Anaka oon faanay, waxan kashifnay Kuwii uu Hargeysa ku soo siiyey laaluushka ee ahaa " Xildhi-baanadda Ingiriisku, Kuwii Maraykan-kana iyana Dhawaan baa la hor keenayaa Guriga Aqalka Sare Ee Odayaasha ( The House Of Senate Parliamentary Members) Habar baa Beri lagu yidhi si walba loogu taag waayey wax maqal, in ay gar waadato, hadana cabaad-keedda la hayn kari waayey "


 

Isku hayn iyo kala hayn" mid ha laguugu yimaado" Taas oo micna-heedu yahay, kolka hore gardiidnimo ula kas ah in ay ku kacdo, is dhego Mar ay weliba anshax xumo u dheer tahay, is waal-waal aanad wax-ba aanay miidaan deyeyn, sidaan doono aan yeelo, wax aan dhegaysa-nayaa ma jiro, 


wax maqala hadal-keeda Daa, Ku darsatay kibir aan meela haysaan, oo hoosta ka madhan, naxli abuur iyo dhibaato foodad abuur ah uun ku maleegan, qas iyo isku dir ay iska hor-keen mooyee aan tallo kale hayn, maskax iyo miyir mid-na aan marka u dhalanin, laga-la quustay cagaha dhig oo saya-naas u soco, miciin-keed la colaw ah, itaal-baaska is leh ficiltan, isla weyn ah, aan dadka wax-baba u haysaan, hadana sidaas oo ay tahay, marka waxay Wado iyo xumaan ta samaynaydo la taab-siiyo cabaad ka wadhaysa iyo maxaa waxaa la iigu Samaynayaa, isnaba aan ogolayn ee hor iyo daba diid ah, waa sidda ay yihiin askariga " Raggii ma adigaa ka hadhay" Iyo koox-dda uu ku adeegto ee ah " 


Golaha jariyafa-hiisa" ee uu beelaha ku yidhaaho soo kala jebiya, sidda " Geenyo Shaaximan, Bakhti dhego weyn, Abdale Abokor iyo qaar kaloo badan" Kuwa noocaas ahi waa waxay kaga ceedhaane, marka wax laga sheegana ay baroorta ka kacayaan iyo maxaa wax naloo ka qorayaa oo Aduunka loogu sheegayaa. Bal ummad yahay idinku wax ku sheega, waa iga su'aale.


 

Horaa loo yidhaahi " Nin is waala-ba waabiyaa hela" ee saw laguma tusin waxad tahay Af-qashuusha lahayde. Waxan ku soo xidhay maqaalkan, Maah-maahdii ahayd " Afeef Horaa la yeeshaa ama adakaysi dambe" Marka hore baa hadaf sax ah lagu Tashaday, oo is waal-waalka iyo aniga a wood leh-da la iska daayaa, maxay imika hungaacadda iyo oohinta la qubayaan, ee ay ugu socon waayeen wixii ay afka ka lahaayeen.


Murti baa ahayd " Tab hayaw, lagaa tab hayee" inta ay askariga wakhti-giisii dhamaadey uu khiyaaliga iyo ila meerassadda ku mash-quulsanaa, anakuna waxanu u sii qoolay-nay dabinka uu hadda ku dhacay, ee ah geeri iyo mag la'aan xumaan ta uu ku baxay.Waxan ku soo dabray.


Maamulka " Xaafad-Tooyadu" Ha ogaado in meel kaste lagaa horeeyo, marka laga reebo beenta, waxa aanu kaa soo handaraabnay had aanu nahay Mucaaridka beeshii Caalamka, mana jirto wax dambe oo ay kaa hoos qaada-yaane, waal-waal at aye xeradda gal. Intaas oo keliya Maahee, dhul ka sii fog baanu war-kiina geynay,


* N. B Afeef Horaa La Yeeshaa Ama Adkaysi Dambe, Kolba Derbi La Isku a Qaafee!

Qore:- Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...