Huteelka Oriental Ka Ee Faras-Magaalka Hargeysa Oo Dab Ka Kacay.

0
Monday November 21, 2022 - 09:17:53 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1507
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Huteelka Oriental Ka Ee Faras-Magaalka Hargeysa Oo Dab Ka Kacay.

    "Ciidanka Dabdemisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ciidanka Dabdemisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada"



Ciidamada Dabdemiska taliska guud iyo degmooyinka ayaa si degdega u gaadhay huteelkaa, kuna guuleystay inay dabkaa damiyaan. Goobtan oo ahayd badhtamaha suuqa weyn ee Hargeysa ayaa ciidanku dabkaa ka badbaadiyay dhamaan ganacsiyadii kale ee suuqa iyo masaajidka weyn ee Cali Mataan.

 

Taliyaha ciidanka Dabdemiska Qaranka Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa isna hawlgalkaa goobjoog ka ahaa.

 

Ma jirin cid wax ku noqotay dabkaa, waxaa iyaguna ka Shaqaynayay dhanka amaanka ciidanka Booliska magaalada Hargeysa gaar ahaan ciidanka degmada 26 June.

 

Ciidanka Dabdemisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada inay ka feejignaadaan khatarta dabka, hadii aad dab la kulantana soo wac lambarka gurmadka degdega ah ee 990 guud ahaan lixda gobol ee Somaliland shirkadaha Telesom iyo Somtel.

 

[email protected]

Cabdiwahaab Toox

990 Gurmadka degdega ah


Loading...
Loading...