Donald Trump Oo Mar Kale Kusoo Noqday Fagaarayaasha Ay Ku Kulanto Bulshada
Milkiilaha cusub ee
shirkadda xiriirta baraha bulshada ee Twitter-ka, Elon Musk, ayaa sheegay in
Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, dib looggu soo celiyay
akoonkiisa, kadib markii uu sameeyay rayi ururin ay ka qeyb qaateen
isticmaalayaasha barta,kuwaasoo taageeray tallaabada uu qaaday
"Dadku way soo
gudbiyeen rayigooda," ayuu Musk kusoo qoray bartiisa Twitter-ka, isagoo
sheegay in 51.8%, oo u dhiganta in ka badan 15 milyan oo isticmaaleyaasha
Twitter ah ay u codeeyeen in xayiraadda lagga qaado Trump.
Laakiin madaxweynihii
hore ee Mareykanka, ayaa laga yaabaa inuusan ku soo laaban madasha, isagoo mar
hore yiri: "Ma jirto wax sabab ah, oo aan dib ugu soo noqdo".
Akoonkiisa ayaa la
hakiyay sanadkii 2021-kii, sababo la xiriira khatarta hurin rabshado iyo
naceyb.
Maamulkii hore ee
Twitter-ka, ayaa qaadey tallaabo maalmo uun ka dib, markii taageerayaasha
Donald Trump ay weerareen Aqalka Capitol ee Mareykanka ee Washington DC
6-diibishii Janaayo.
Dad boqolaal gaaraya
ayaa rabshado ka sameeyey gudaha xarunta, iyadoo Congress-ka Mareykanka uu isku
dayayay inuu caddeeyo guushii Joe Biden ee doorashadii madaxtinimada.
Rabshadahaas ayaa
sababay dhimashada afar qof oo rayid ah, iyo askari booliis ah.
Wax yar ka dib
rabshadahaasi, Donald Trump, ayaa sidoo kale laga joojiyay akoonnada
Facebook-ga, Instagram-ka iyo Youtube-ka, kuwaasoo dhammaan lahaa tobanaan
milyan oo taageerayaal ah.
Dhowr bilood ka dib,
ayaa wuxuu bilaabay bartiisa bulshada, Truth Social.
Horraantii todobaadkan,
xisbiga Jamhuuriga, ayaa ku dhawaaqay inuu mar kale u tartami doono
madaxtinimada Mareykanka sanadka 2024-ka.
Musk, oo ah ninka ugu
taajirsan adduunka, ayaa la wareegay maamulka Twitter-ka bishii Oktoobar
heshiis dhan $44bn (£37bn).
Waxa uu isla markiiba
bilaabay isbeddello is-daba-joog ah oo ka dhex-dhashay bahda warbaahinta
bulshada, iyada oo laga walaacsan yahay inuu dabciyo xeerarka Twitter-ka ee ku
aaddan hadalada nacaybka iyo macluumaadka khaldan.
BBC