KULMIYE Oo Soo Saarya Qodobo Ka Hor Imanaya Dastuurka SLAND Oo Ka Dhan Ah Mucaaradka

0
Sunday November 20, 2022 - 17:57:13 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1648
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    KULMIYE Oo Soo Saarya Qodobo Ka Hor Imanaya Dastuurka SLAND Oo Ka Dhan Ah Mucaaradka

    "wuxuu ka hor imanayaa qodobka 9aad ee dastuurka JSL iyo dawladnimadaba!"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"wuxuu ka hor imanayaa qodobka 9aad ee dastuurka JSL iyo dawladnimadaba!"


Hargaysa (HWN) Xildhibaan Siciid Cudhay oo katirsan golaha deegaanka Degmada Hargaysa, ayaa sheegay in uu dastuurka Somaliland ka horimanayo qodob uu shalay soo saaray xisbi xaakimka Somaliland ee Kulmiye.

 

Qodobada uu shalay Xisbiga KULMIYE uu soo saaray ayaa waxa kamid ahaa in aanay xisbiyada mucaaradka Somaliland aanay xuquuq sharci ku lahay qaranka Somaliland "Go’aankii shalay ee xisbiga kulmiye ka soo baxay waxay marag u tahay in dalkii u guuray xisbi kaliya, Waxayna la mid tahay maalintii la toogtay General Caynaanshe iyo General Gabayle Sidoo kale go’aankaas wuxuu ka hor imanayaa qodobka 9aad ee dastuurka JSL iyo dawladnimadaba!" Siciid Cudhay, Xildhibaan Golaha Deganka Hargaysa ka mid ah.

 

Qodobka ayaa uga siidaray khilaafkii ka dhashay doorashada ee beryihii ugu dambeeyay ka dhextaagnaa Somaliland


Loading...
Loading...