Siyaasiyiintu Iyagaa Saxiibo Ah, Iyagaana Is Curyaamiya Dalkana Way Curyaamiyaan.

0
Sunday November 20, 2022 - 09:33:44 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 744
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasiyiintu Iyagaa Saxiibo Ah, Iyagaana Is Curyaamiya Dalkana Way Curyaamiyaan.

    Daraasad aan ku sameeyo Siyaasiyeenteena iyo go'aanada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daraasad aan ku sameeyo Siyaasiyeenteena iyo go'aanada


Marka ay timaado siyaasada xaajadu maaha sida aad u maleyneyso "Dadku waxay u maleynayaan inay Siyaasiyiintu u fikraan sida saynisyahannada wax maqan saadaaliya ama sida Qareenada sharciyada ka fikira.


 

Inta badan Khurafaadlayaasha saxan ama khaldan ee Saynisyahannadu ma daneeyaan jawaabta saxa ahi waxa ay tahay , lakiin waxay eegaan xogta ,waxayna soo gabagabeeyaan shaqadooda sax ama khalad midkay doonto ha ula muuqatee,kadibna wixii iyaga agtooda suura gal ka ah ee usoo baxay ayay Dunida ka iibiyaan.



 

Sidoo kale Sharci yaqaanadu ama Qareenada way ogyihiin gabagabada ay rabaan inay gaadhaan marka ay shaqadooda sharci ku dhex jiraan , kadib waxay adeegsadaan xaqiiqooyin run farabadan ku fadhiyaa oo qodobadooda wata ,taasi ayanay kusoo gabagabeeyaan shaqadooda,lakiin siyaasiyiintu labadaasi midna maaha,sidoo kale wax layskaga daydo ama la kala Koobi gareeyana maaha waana tan inagu badan Maanta.


 

Daraasad aan ku sameeyo Siyaasiyeenteena iyo go'aanada ay qataan xiliyada ay xaaladaha Siyaasadeenu ay kacsan tahay ,waxaa ii muuqatay in ay yihiin kuwa aan la jaanqaadi karin duruufta markaasi jirta iyo sida ugu fiican ee lagu xaliyo ,waana mida kaliya ee maanta Siyaasiyiinta Dunidu ay ku kala hormareen.


 

Dunida maanta waxa lays waydiiyaa>

 

-Xukunada Dilku miyay ka hortagaan Dambiyada had iyo goor dhacaaya ?

 

-Isbedelka Cimilada ee Dunida ,ma Adanaha ayaa mas'uul ka ah mise ?

 

-Qoryaha iyo Hubka khatarta ah samayntooda ,khasaare iyo fa'iido iyama badan maanta Dunida?


 

Maxay tahay sababta ay Siyaasiyiinta qaarkood inoo yidhaahdaan"""* Maya maya ma yeelayno marka ay Dalka Siyaasad khaldan ay geliyaan""? , laga yaabee in tijaabadaasi/hawlgalkaasi uu yahay mid ay wax ka khaldameen iyaguna ay yihiin kuwa masuulka ah khaladkaasi wax xumeeyey"?


 

Lakiin waa xarfaan Siyaasiyiinta qaarkood !* waxaanay sameeyaan waxay wax ka bedalayaan macluumaadka aynu markaasi arimahan laysku hayo aynu ka hayno"" mar hadii Macluumaadkii aad arinta ka haysay lagaa khaldana macnaheedu waxa uu noqonayaa in aadan waxbaba la socon ama aad tahay siday unoogu yeedhaan Maati iyo Caruur.


 

Waxa cajiib iila muuqata hadaba in aad aragto ama aad maqasho siyaasiyiin kuula muuqda in ay kala aragti duwan yihiin ,isla markaana ka hadlaaya wakhti kasta xaqiiqooyin u muuqda in ay kala fog yihiin sawirka guud ee ay kuu dhiseen adiga ,balse aakhirka ay sheekadu kusoo dhamaato in ay isku wax ka wada hadlayaan.


 

Haddii Siyaasiga ay siyaasadiisu la jaan qaadi waydo isbeddelada iyo xilliyada, awoodda ay leedahay dawladiisu ,isla markaana ay dabooli waayaan baahiyaha dadka si tartiib tartiib ah, Naxariis iyo kalgacalna uu u galiwaayo Dadkiisa Dhibaataysan ,way ku adkaandoontaa in ay kacdoonada Dadwaynahu marka ay dhacaan ay wax ka qabtaan,aakhirkana waxa ay ku danbayn donaan in ay iyagu iska horyimadaan isna naafeyaan Dalkana ay dib u dhac farabadan u gaystaan.


 

Adiga akhriste maxay kula tahay ?


 

W/Q Khadar Ibrahim Aar.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...