Afar Qodob Oo Aduunka Manta U Daneynayo Somaliland Aan Duruufaha Taagan Looga Maarmayn
Aduunka dalwaliba waxa uu haysto ee uu qiimaha ku leeyahay ayuu maalgalin iyo horumarin ku sameeyaa si qiimihiisa iyo baahida aduunka kale u qabaa kor ugu sii kacdo.
Hadii aad taariikhda dib u raacdo dalka jamhuuriyada Somaliland muhiimada ugu weyn ee aduunku u danaynayey waxa ugu weynaa bugcada ay dhacdo juquraafi ahaan ( Geographical location ) oo ahayd meel haboon ( strategic position) aduunka dal waliba danaynayo.
Dawladii ingiriiska ( Great Britain) waxa ay 1885 kii u soo degtay jamhuuriyada Somaliland ee ugu weynaa waxay ahayd meel ay ka ilaashato saldhigii weynaa ee Cadan ( Aden military base ) in ay ka ilaashato iyo in Somaliland tahay meel ciidamada ingiriiska ee aduunka Bari iyo Galbeed u kala socda sahayda ka qaataan sida hilibka xoolaha oo kale.
Markaa maanta waxa ugu weyn ee dawladaha gobolka Geeska Africa isku haystaan waa sidii looga faaiideysan lahaa aduunka danaynaya gobolkani oo ku soo xoomay xeebaha badda cas .
Waxa labaad ee maanta aad loo daneynayaa waa in dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaan Geeska Africa leeyahay khayraad dabiici iyo tamar sida shidaalka oo kale oo aduunkii waxa sii yaraanaya saliidihii iyo gaaskii dabiiciga ahaa oo qiimahoogiina kor u sii kacayo.
Markaa waxaa qasab noqotay in la helo kaydad iyo meelo laga soo saaro shidaalo iyo tamar dabiici ah si loogu fududeeyo dadka aduunka nolosha sii adkaaneysa isla markaana loo helo meelo kale oo lagu baxsan karo hadii dawladaha khayraadka lehi isku dhacaan ama cilaaqaadyada siyaasiga ahi xumaadaan.
Waxa sadexaad ee Jamhuuriyadda Somaliland muhiimka u tahay waxa weeyaan waxa ay xudun u tahay istarataji ah aduunka , waxaanay leedahay xuduud badeed 850km oo badacas ah waana marin badeedka labaad ( Sea corridor) ee aduunka ganacsiga ugu badani ka gudbo.
Muhiimada jamhuuriyada Somaliland u leedahay aduunka ee afraad ayaa ah dhul ku haboon wax beerista markii baahida cunada aduunku kor u kacday ka dib dagaalkii Ukraine & Russia oo soo saari jirey 28% qamadiga aduunka , haddaba si loo helo meelo kale oo wax lagu beero laguna badbaado ayaa jamhuuriyada Somaliland tahay dhulka ugu haboon ee wax laga beeri karo.
Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!