Sonkorta Jooji … W/Q: Faarax cawaash
1. Daal fara badan.
Marka ugu horeysa uu qofka cunto, cabitaan ama macmacaan sonkorta ku badan
tahay cuno energy-giisa ayaa kor u kacaya balse 30 daqiiqo ka dib marki jirka
burburiyo sonkorti wuxuu dareemaa tacbaan, qofki oo jeclaada inuu iska fadhiyo
oo waxba qaban
2. Maadada Xisaabta oo
uu ku liito iyo guud ahaan Waxbarashada. Sonkorta & macaanka badan waxay
qofka ka lumisaa feejignaanta iyo awooda uu diirada iyo xooga ku saaro
waxbarashada
3. Miisaanka ayay
kordhisaa oo cayil sababtaa maadaama kalooriyada (calories) ku jiraa uu jirku
kaydsado. Wax nafaqo ahna ma leh
4. Cuduro iyo xanuuno
halis ah oo ay ka mid yihiin cudurka macaanka iyo wadno xanuunka
5. Ilkaha oo suus ku
dhasho, dalooshama kadibna dhamaada bakteeriyada sonkorta ee afka ku harta
darteed
6. Shaki iyo buufis
badan. Qofki oo u qaata in hadal kasta si shaqsi ah in loola jeedo. Warwar,
murugo iyo qofki oo nervous iska ah inta badan
7. Caajis iyo wahsi
badan ayay keenaan sonkorta iyo macaanka badan – Saynisyahano qaar waxay ku
doodaan in xoogaa doqononimo ahna uu qofka ka qaado
8. Xanaaqa ayaa qofka
ku bata – si deg-deg ah ayuu uga caroodaa wax kasta, sonkorta iyo macaanka oo
jidhka ku badan dartood
9. Maqaarka qofka oo ay
saamayn weyn ku yeelato, qofka oo wajiga iyo jidhkiisu yeesho laalaab iyo
coodh-coodh, uuna ka muuqdo da’ ka wayn tan uu markaa yahay.
Soomaalidu waa dad aad
u isticmaala Sonkorta. Reerka ugu yar 50 kg ayay isticmaalaan bishii. Waana
sababta fadhiga noogu badan yahay, wax soo saarkana noogu yar yahay.
Jooji Sonkorta ama iska
yaree si tartiib ah. Tijaabi hal Bil waxaad helaysaa energy badan, deganaansho,
firfircooni iyo maadada Xisaabta oo aad ku fiicnaato
Faarax cawaash
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!