Itoobiya Oo Bilowday Inay Koronto U Dhoofiso Kenya
Itoobiya ayaa sheegtay
inay billowday inay koronto u dhoofiso Kenya, sida uu dhigayo heshiis 25 sano
ah oo u dhexeeya labada dal ee deriska ah ee Bariga Afrika.
Tallaabadan ayaa timid
kadib markii Itoobiya horraantii sanadkan ay ku dhawaaqday inay bilowday inay
koronto ka dhaliso mashruuca biyo xireenka weyn ee ay ka waddo webiga Niil.
Waaxda Korontada
Itoobiya ee (EEP) ayaa sheegtay in khadka isku xira labada dal oo ay ku kacayso
500 milyan oo doolar uu awood u leeyahay inuu gudbiyo 2,000 megawatts, isla
markaana uu soo saaro ilaa 100 milyan oo doolar sannadkii.
"Waa mashruuc
muhim ah oo ku wajahan in wax laga beddelo xiriirka diblomaasiyadeed ee
Itoobiya iyo Kenya ee dhinacyada badan leh," ayuu bartiisa Twitter-ka
kusoo qoray Safiirka Itoobiya ee Kenya Bacha Debele Jimcihii.
Hay’adda Shidaalka iyo
Tamarta ee Kenya (EPRA) ayaa xaqiijisay inay Khamiistii bilowday inay koronto
ka keensato dalka Itoobiya.
Itoobiya ayaa markii
ugu horreysay biloowday inay koronto ka dhaliso biyo xireenka Grand Ethiopian
Renaissance Dam ee ku yaal webiga Blue Nile bishii Agoosto, waxayna bishii
Ogosto ku dhawaaqday in marawaxadaha labaad ay bilaabeen inay soo saaraan
koronto.
Mashruucan oo ku kacaya
4.2 bilyan oo dollar, kaas oo ka careysiiyay dalalka dariska ah ee Suudaan iyo
Masar, ayaa ugu dambayntii la filayaa in laga dhaliyo in ka badan 5,000 oo
megawatts oo koronto ah, taas oo ka badan laban-laab midda wax soo saarka
Itoobiya ee hadda.
Itoobiya ayaa horeba
Korontada uga iibinaysa Suudaan iyo Jabuuti, waxayna heshiisyo is-afgarad ah la
saxeexatay Koonfurta Suudaan, Tanzania iyo maamulka Somaliland, sida ay
sheegtay waaxda korontada Itoobiya ee EEP.
VOA