Saleebaan Maxamud Aaden 90 Jir Fidnoobey, Soomalilandna Fidno U Horseeday
Saleebaan Maxamud Aden si ku talagal ah ayuu dalka fidno u galiyey isagoo sharci kasta oo jirey qashinka ku tuurey, sidoo kalena fursad kasta oo sulux lagu sameyn karayeyna laaley . Isaga, Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin waxay rabaan in ay dalka galiyaan dagaal sokeeye oy sameeyaan Yuroowe 2 iyo Kaba-dheere 2. Waad arkeyseen hooyooyinka caruurtoodii la afduubtay ee maanta Burco ka hadlaayey.
Yuroowe waa tuuladii ay u qaxeen shacabka bariga Burco, Kaba dheerena waa tuuladii ay u qaxeen shacbka galbeedka burco, markii magaaladaas ay qaxiyeen Saleebaan, Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin 1994.
Sida aad maqleyseen wareysigii Qabyo tire, 1994 Waxa la beegsaday oo dagaal lagu qaaday beel ka mid ah beelaha Somaliland. Sida masuulku sheegay waxaa la xasuuqey dad aan ka yareyn 1500 oo qof, xasuuqaas waxa abaabulay oo fuliyey ragaas aan kor ku soo sheegay. Xasuuqaas illaa maanta waa ku socdaa beeshaas.
Dagaalkaasi wuxuu sababay in la burburiyo magaalooyin badan oo Burco ugu khasaare badaneyd, dadkii reer Burco waxay u kala qaxeen tuulooyinka Yuroowe iyo Kaba-dheere, maantana waxay qorsheynayaan kooxdaasi inay mar labaad sidoodii fidno ka dhex abuuraan reer burco oy abuuraan Yuroowe 2 iyo Kaba-dheere 2 sidii 1994.
Haldoorka reer Burco waxa la gudboon inay arrintaas ka hor tagaan. Mayor Muraad, waxaa la arkaayey maalmahan isagoo Tv yada ka hadlaya oo suuq geynaya siyaasada Muuse Biixi ee kala qeybinta ku dhisan. Mayor Muraad, qiime badan ayuu reer Burco ugu fadhiyaa siduu ugu soo adeegay isagoonshillin ka xadin iyo isagoon Daan bari iyo Daan galbeed u kala soocin.
Mayor Muraad wuxuu Burco ula martabad yahay Axmed Keyse, Hadraawi, iyo Mayor Maxamed Xuseen. Sidaas darteed, waxaan leenahay yaan dhiig faraha laguu galin. Ha ka qeyb qaadan shirqoolada reer burco loo maleegayo oo hoos ha ugu soo dhicin mustawaha Cali Mareexaan, Xinif, Ku-jare, Siciid Sulub, Gaboose iyo Cabdilaahi Abokor oo dhamaantood loo adeegsado kala qeybinta reer Burco. Taas badelkeeda Ka shaqee midnimadooda.
Muuse Biixi, madaxweynihii hore ee Somaliland,xoog ayuu ku fadhiyaa kursiga maanta. Sharcigu wuxuu sheegayaa in muddo xileedka Madaxweynu yahay 5 sanadood oo kaliya. Sida sharcigu sheegayo Madaxweynaha waxa xilka loo kordhin karaa oo kaliya haddii dalka masiibo qaran ka dhacdo, iyadoo waliba laga wada tashaday.
Saleebaan Maxamed Aden wuxuu Muuse Biixi u kordhiyey 2 sanadood iyadoo aan masiibo qaran dhicin iyo iyadoo aan heshiis lagu ahayn, isaguna wuxuu korodhsaday5 sanadood.
Guddiga doorashooyinku, waxay sheegeen inay doorashada ku qaban karaan 9 bilood.Saleebaan wuxuu yidhi ”Maya! 9 bilood ha ku qabanina ee ku qabta 2 sanadood”. Oo waayo ? Wuxuu leeyahay Saaxiibkey Muse Biixi (Gudoomiyaha Jeegaanta) waxaa nacay oo ka dareeray shacabkii oo Cirro lama tartami karo. Sidaas darteed, waa inuu saxeexayga ku fadhiyaa kursiga.
Saleebaan, waa ogyahay dhibaatada ay keeni karto muddo kordhin aan ku imaan shuruudihii sharcigu tilmaamayey isla markaasna aan heshiis lagu ahayn, laakiin waxaanu dhaafi karin oo xidhaya xeerka Jeegaanta ee ah in Muuse xoog kursiga loogu hayo. Sababtaas darteed, Saleebaan iyo raggiisa wax qiime ah uguma fadhiyo dhiig daata iyo dal burbura midna. Saleebaan waa 90 jir fidnoobey oo aan dal iyo dad iyo Aakhiro midna dan ka lahayn.
Dhibic kasta oo dhiiga oo dhulka ku dhacda oo shacabka reer Somaliland ka daadata muddo kordhintaas awgeed waxa If iyo Aakhiroba si siman loo weydiinayaa Saleebaan, Muuse Biixi iyo intii ku gacansiisay, sabatoo ah Xadiis shariif ah ayaa ahaa ”Qofkii jideeya jid xun, waxaa loo qorayaa dembiga qof kasta oo qaadaa jidkaas xun illaa qiyaamaha.
BEELAHA DARAFYADA:-
Maalmahan waxaan arkaynay kooxo loo yaqaano Waji-ku-macaash oo TV yada ka qeylinaya oo leh waxaan matalaynaa beelaha darafyada kuwaasoo ay soo laaluusheen rag ka tirsan Kulmiye oy ka midyiin Ataasha iyo Saajin ”Iyagaaba dulman oo loo doodayaaye maxay doonayaan"?Kooxahaasi waxay taageerayaan muddo kordhintii Saleebaan sameeyey.
Beelaha darafyadu waa ogyihiin in musharax Cirro iyo Xusbiga Wadani yahay kan ka kor qaadaya cadaalad darrada iyo cunsuriyada Col. Muuse Biixi iyo Xusbigiisa Kulmiye kula dhaqmo beelaha darafyada.
Xusbiyada mucaaradku waxay diyaar u yihiin inay fuliyaan dhamaan heshiisyadii uu Xusbiga Kulmiye kaga baxay Mujaahidkii weynaa Prof. Cali Khaliif Galeyr. Xusiyada mucaaridku waxay diyaar u yihiin in la furo Dastuurka qaranka, kor loo qaado matalaadooda, karaamadooda, kalsooni dhiskooda iyo in la helo Somaliland la wada leeyahay.
Xusbiyada mucaaradku waxay diyaar u yihiin inay isku xuquuq noqdaan wiilka Muuse Biixi, wiilka Maxamed Kaahin eeDabaqada sare noqday iyo wiilka beelaha darafyada ee debed jooga laga dhigay.
Waxay kaloo diyaar u yihiin inay ka shaqeeyaan in deegaanada darafyada la soo gaadhsiiyo inay la heer noqdaan xaga nolosha iyo horumarka deegaanada kale ee Soomaaliland. Sidaas darteed, cid kasta oo Kulmiye TVga hor keeno, beelaha darafyadu kuma qancayaan wax ka hooseeya in wiilashoodu la xuquuq noqdaan wiilasha Col. Muuse Biixi iyo kuwa Col. Maxamed Kaahin ee aan sharcigu qaban.
Somaliland maanta karaamo kuma leh masraxyada caalamka oo waxa la qorey dal aan demqraadi ahayn oo Askari kaligii taliye ah xoog ku haysto. Meel aan xoriyatul qowl ka jirin oo dhamaan xeerarkii demoqraadiyada la tuurey.
Meel dumarka iyo caruurta lagu laayo, lagu jidh dilo, laguna xidh xidho. Caalamku wuxuu kaloo Somaliland u aqoonsaday meel lagu dhibaateeyo siyaasiyiinta mucaaridka, saxaafada, dadka u dooda xuquuqda aadamaha iyo meel maxkamadihii iyo booliskii ay ka mid noqdeen Wasaaradihii Xukuumada.
Shacabka reer Somaliland waxay ku jiraan Cadaab, dil xadhig sharci darro ah,gaajo, cuduur, cadaalad darro, eex, kala qeybin iyo wax kasta oo aadame xumeeya. Sidaas darteed, waa lagama maarmaan inay xal deg deg
ah helaan.
KULMIYAHA NIQAABAN EE MUUSE U SHAQEEYA (URURO KU-SHEEGYADA).
Ninkii wuxuu yidhi ”Isaxaaq ma diidine xaaqdaan diiday" dadku ma diidin ururo la furo oo sharcigaa sheegaye waxaa la diidayaa waa Decemberta laga soo hor marinayo November iyo iyagoo dhamaantood Muuse u adeegaya oo wada ah ”Kulmiye niqaaban" kuwaasina fidnada ayey qeyb ka yihiin.
Nimankaas oy hor boodayaan Cabdilaahi Darewal, Daamur , Gaboose, Maxamuud Xaashi iyo qaar kale oo badan, shaqada Muuse ay u hayaan waa inay Musharax Cirro, iyo Xusbiga Wadani ee gudoomiyaha ka yahay Xirsi Cali X. Xasan ay ka reebaan tartanka maadaama Muuse Biixi aanu la tartami karin oo Wadani haysto aqlabiyada shacabka Somaliland ( 60% codka, cod bixiyayaasha reer Somaliland), sida lagu sheegay ra'yi ururintii ugu dembeysay.
Kibirka iyo isla weynidu waxay ku gayeysiisaa xaqa ood ka indho beesho. Wasiir hore Cabdilaahi Abokor (Mulkiilaha Xukuumada Muuse Biixi) wuxuu yidhi, maxay tari karaan? Yaa wax naga qaadi kara? Annagaa biilka siina, hadalkoodu wax ka soo qaad ma leh, ma jirto wax la yidhaahdo waa markeygii. Cabdilaahi Abokor dabaal ayuu ku jiraa oo aduun war kama hayo waxaana loo sheegayaa, musharax Cirro wax ku dooni maayo waa markeygii ee wuxuu leeyahay ha la ila tartamo ee ma la tartami kartaan?.
XUSBIYASA MUCAARIDKA AH:-
Xusbiyada mucaaridku waxay wali taaganyiin wajigii 1 aad ee istraatijiyada ay ka dejisteen sida dalka looga samata bixinayo inqilaabka Ex.madaxweyne Muuse Biixi.Xusbiyada mucaaridku waxay wali taaganyiin ”Ex.madaxweyne Muuse Biixi uma aqoonsanin madaxweyne sharci ah ”.
Marka la eegosida Maxamed Kaahin iyo Dabagale ula dhaqmayaan Madaxda Xusbiga iyo taageerayaashooda, waxaan shaki ku jirin in Xusbiyada mucaaridku iclaamin doonaan wajiga labaad ee istiraatiijiyadooda, haddii loo baahdana wajiga 3 aad.
MASIIRKA MUUSE BIIXI.
Madaxweyne hore Muuse Biixii , ma heysto sharciyad uu ku fadhiyo madaxtooyada. Sidaas darteed, haddii aan reer somaliland xal deg deg ah keenin, masiirka kaligii taliyuhu wuxuu ku dhamaanayaa mid ka mid ah 3 dan qodob ee soo socda :-
1.Inuu ku baxo sidii Qadaafigii Libya.
2.Inuu ku baxo sidii Saynu al Cabudiin Binu Cali gii Tuunis.
3.Iyo inuu xafiiska ku joogo sida Xaafid Al Asadka Suuriya.
Waxaa hubaal ah inaan dikteytar Somaliland xukumi karin, sababtoo ah Siyaad Barre cidna kama awood badneyn, halkee ku dembeeyey?. Somaliland waa wada Lixle.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!