'' Masruufte siyaasadeed '' . Ahmed Nour Guruje

0
Friday June 14, 2019 - 15:01:55 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1193
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Masruufte siyaasadeed '' . Ahmed Nour Guruje

    Siyaasaddu waa ku hawlanaanta iyo la socoshada hawlaha dawladda ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasaddu waa ku hawlanaanta iyo la socoshada hawlaha dawladda , haday tahay ka doodisteeda , ka qayb galkeeda iyo falcelinteedda .

 

Siyaasiguna waa qof leh hiwaayad ku saabsan jilista iyo hal-abuurka siyaasada iyo la socoshadeeda .

 

Hadaba sideedaba siyaasaddu maaha xirfad iyo shaqo gaarkeed u taagan ama u madaxbanaan , siyaasiguna maaha shaqaale ka hawl-gala shaqo la yidhaahdo siyaasad .

 

Sidaa markay tahay , waxaa lagama maarmaana siyaasi waliba in uu yeesho xirfad uu kula soo baxo nolol maalmeedkiisa si uu ugu dabaro noloshiisa gaarka ah , isla markaana waqtigiisa kasoo hadha hawl malmeedkiisana siyaasada geliyo , hadii uu joogo xafiis ka mida xafiisyada siyaasadana waa in uu sidii ugu dadaalo shaqadiisa gaarka ah ugu dadaalaa shaqada guud ee loo igmaday .

 

Sideedadabana hadii aad aragto siyaasi siyaasadda lafteeda masaariifsada oo siyaasada qudheedu u tahay meherad iyo shaqo , waa siyaasiga hadhoow uun siyaasadda u adeegsada masaariif , siduu uu horreba ugu masaariifsan jirey .

 

Sidaa darteed siyaasi yeelo xirfad shaqo si aanad u noqonin masruufte siyaasadeed


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...