Maxakamad Maahee Waa Meel Iskaga Baydh ( Abdi-shotaly).

0
Saturday March 09, 2019 - 09:59:28 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1303
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxakamad Maahee Waa Meel Iskaga Baydh ( Abdi-shotaly).

    Waxa la yidhi hadaad la kulanto, waxa hore u soo dhici jirey " wixii lagu maarayn jirey baa lagu akhriyaa,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa la yidhi hadaad la kulanto, waxa hore u soo dhici jirey " wixii lagu maarayn jirey baa lagu akhriyaa,


haddiise ay kugu timaado wax aan ku soo marini " midh subxaana-la baa la yidhaah-daaye", waxaynu leenahay fanka-cawdu billaah, tani maaha maxakamad wax lagu sheego, gar ay qaaday iyo dacwad ay soo oogtay mid-na ma jirto, ee waxay ahayd arin meel iska sii taalay, oo lagu tallo galay, waana badheedhiyo ula kas ah, mana jirto denbi lagu soo oogay, macalin cabdilqaadir iyo Abwaan Axmed Baashe. Waxa sidaa loo yidhina akhristaw, waa reer doon-doon ee wax kale maaha, marka hadalka halkiisa loogu tago, waxa salag leh, ilayn wax qarsooni ma jirto'e. xagee lagu arkay, dad aan wax-ba galabsan, cid haystana aan la hor keenin, oo ay booliis ku, wax iska soo mulaaqdeen, ilayn waxa la yidhi " Ku dhoola tusta in wixii la rabo-ba aanu ku samayn karno'e. Xagee caalmaka laga dheelaa ciyaartaas, waxa ay meesha ka sheegeen ee ay yidhaaheen waa xukun, 8 sano oo xadhig ah iyo in uu kiiba bixiyo 72500$, saw maaha xoolo bilaah ah baan iska rabnaa. wayse eedi doonaan, kana fursan mayso, in siday u socoto ee ay wax u wadaan loola dhaqmo.



Rag cadaalad waayaa siddii cawsha kala yaacye, kuwa sidaa samaynaaya, inta garab taaganaw, way qarxi doontaa goor ay noqoto-ba, oo arini ay fara ka haadi doontaa ( ha dheeraato ama ha dhawaato'e), ku darsadda taladana, in dul-qaadkii iyo nabad xeernitii ay soo gabga-beeyeen askartan iyo jeegaantu, Hadaba cidda wax ku waayeysaa talow waay ayo? Ee caano ka daadana-yaan. Yaa cirka roob ku og keligood? Waxa taagan, oo si cad loo arkaa, murtiddii ahayd " Mar haday walaal-nimaddii hore iyo weheshiggii diiday, wadan-keedda haw kala kacdee, waranka dhiigeeya". Waxana ay bishi iyadda oo shan iyo toban ah, ay hor iman doontaa, indha-hoodda oo shan ah. Qaar uu ka mid ahaa Mujaahid dhakhtar Cismaan khayre, kuwaas oo loo haysto laba nin oo " Arab Ah oo weliba ciidanka booliis ", ( waa beelaha la iska doon-doonaayo, ee la leeyahay maxaad mucaarid u noqoteen, ee aad gaashaan buurta Mataanaha la yidhaaho u samayseen iyaka oo ku andacoo-naaya mujaahid dhakhtar bay sii daayeen labadaas asakri, oo ay been aanay wax-ba ka jirin ku eedayna-yaan.


Waxan ku soo xidhay qoraalkan, qof kaste oo aduunka joogaa, shar iyo khayr wuxuu galabsado, buu ifka iyo aakhiro-ba ku helaaye, kuwani way isla koodhaadha-yaan, oo kafantii baa dul saaran, way shidaysaa oo caleen-tooddii baa cadaatay. waxa la yidhi " Wan wayni ilaa la gawraco, indhi-hiisu cirka ma arkaane" imika sidda qarandiddii hoose eegi jirtey, bay u fooraraane, oo runta ma arkaane. Waxa hore loo yidhi "Hawo nimay fogaysa-ba dan baa hoos u soo celine". Waa iska cayn-kaase, duqsi mawdki galay baa fuud kulul dabaasha, markuu dalqa yidhaahdo, baa nolol ugu dabaysa'e, kuwani haday siddii hindiddii markay dhintaan la gubi jirey, ay xaabaddii lagu shidii lahaa ay soo gurteen, waxa u hadhay oo keliya intii ay dambaska noqon lahaayeen, iyo waxa ay ugu yeedhaan Ciidamo Jeegaanta. Waxan ku soo qoofalay maqaalkan, ma hadhin hadal la is yidhaahaa buu yidhi Cali sugule Dun-carbeede, wax sheeg dambe iyo ka daayo la isla soo dhaaf, laguna kala quusaye, markan mashqac baa dhegaha laga xaluuli-nayaa, oo sandule dhaayaha iyo maqalka loogu furayaa, ee uu hadda isku kala bixiyo askarigu faruur xidhani, bay sheeko kale iman doontaaye, yaan lagu sugi waayin, " Ninkii dhici jirey dhib kuma aha, ee dhawaan soo baxaw ha dheeliman.

N.B Hawo Nimay Fogay-saba Dan Baa Hoos U Soo Celin.

Qore:- Abdi-Shotaly.

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...