Yaa U Bixiyey Sayid Maxamed Cabdille Xasan Naanaysta 'Wadaadkii Waalaa (Mad Mullah)'?

0
Thursday November 17, 2022 - 11:18:08 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1280
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Yaa U Bixiyey Sayid Maxamed Cabdille Xasan Naanaysta 'Wadaadkii Waalaa (Mad Mullah)'?

    Qoraa Prof. Siciid S. Samatar, wuxuu buugiisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraa Prof. Siciid S. Samatar, wuxuu buugiisa



Dhawr doodood ayaa jira oo meello kala duwan ku sheegaya ciddii asal ahaan naanaysta bixisay. Waxa aynu soo bandhigi doonaa doodahaasi iyo kuwa ugu miisaanka culus ee wadata caddaymaha la cuskan karo:


= Qoraa Aw Jaamac Cumar Ciise ‘AHN ’,wuxuu buugiisa taariikhda Daraawiishta iyo Sayid Maxamed Cabdille Xasan (1976), ku sheegay in Sayidku markii uu Berbera ka soo degay uu Ingiriisku weydiiyey canshuur oo uu diiday, ka dib uu isku dayey inuu xidho. Markaasuu turjumaankii Ingiriisku ka maslaxay oo uu yidhi inaga daa waa Wadaad waalane. Sidaasi ayey naanaysta wadaadkii waalaa (Mad Mullah) ay ku timid. Hasayeeshee Aw Jaamac muu soo bandhigin tixraac sugan, aan ka ahayn dad lagu kalsoon yahay.



= Qoraa Prof. Siciid S. Samatar, wuxuu buugiisa Oral Poetry and Somali Nationalism (1982), ku sheegay in markii Daraawiishta lagu soo jebiyey dagaalkii Jigjiga 1900 ee ay dib u soo gurteen, wuxuu Cali Jaamac Haabiil curiyey gabyagiisii ‘ Maxamed Waal ‘, taasi oo noqotay naanaysta aan hadhin ee lagu xusuusto Sayidka. Waxa kale oo meel kale ku sheegay in reer Berbera ay Wadaad Waalaan u bixiyeen markii uu bilaabay inuu aragtidiisa diineed ku faafiyo Berbera iyada oo aanay reer Berbera aqoon. Tixraacu waa cilmi-baadhis iyo daliillo gabayo ah.


= Qoraa Abwaan Axmed Aw Geeddi, wuxuu buugiisa Hortay Jire (2022) ku sheegay in sannadkii 1899-kii uu Sayidku weeraray magaaladda Sheekh, waxaanu gubay xaruntii dariiqada Axmadiyda. Waxaanu kaxaysta wixii xoolo meesha joogay. Gabay uu Cali Jaamac Haabiil tiriyey, ayuu ku yidhi” Suufi waalan baa noogu yimi, saba Nugaaleed e. sayn iyo wixii qoob lahaa, naga sabooleeye. " naanaysta ku jirta ee SUUFI WAALAN waxba kagama duwan Wadaad Waalan.


= Buugga Taariikh iyo Maansooyin, ee laga qoray Abwaan Qamaan Bulxan (1985) ayaa lagu sheegay in gabayga uu ku jiro Maxamed Waal uu tiriyey Qamaan Bulxan, sidaasina uu ku baxay magacani. Tuduc ka mid ahi waa " Maloow been haddaan Maxamed Waal moodnay nebgii.” Hasayeeshee Gabaygaasi waxa laga xaday Abwaan Cali Jaamac Haabiil ayuu leeyahay buugga‘Hortay Jire ‘, waayo gabayda Cali waxa ay qoraal la’aan ahaayeen in ka badan 100 sanno ayuu buuguu sheegayaa. Sidoo kale dhawr buug ayuu soo xignayaa oo gabaygaasi ku sheegaya inuu Cali Jaamac Haabiil ahaa.


Cali Cabdi Coomay


Suxufi, qoraa ah.


Hargaysa, Soomaalilaan


[email protected]


Tixaac: Abwaan Axmed Aw Geeddi, Hortay Jire (2022).

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...