Dadkan waxoodu tiih ka weyn ee malaha waa cuqubo!

0
Thursday November 17, 2022 - 11:04:22 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1029
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Dadkan waxoodu tiih ka weyn ee malaha waa cuqubo!

    Siyaasiyiintu waa reero, nin walibana reerkooda ayuu saami

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiyiintu waa reero, nin walibana reerkooda ayuu saami


"Maantana maaddaama oo aan og ahay dadka maatada ah ee aan ka dhashay hoggaankoodu in uu sidaa yahay, oo gidaar walba jiidhsiinayo, u gu ma calool xumi dadka, laakiin wax aan og ahay in hoggaan xumo jirto. Marka ay hoggaan xumo dhacdana dadku tiih buu galaa."



Waa Siciid Sulub oo sidaa u la garnaqsanaya Ina adeerkii Cirro. Bal haddaba mucjisada la arkay, isagu waa qolama? Marka uu tolkii sidaa u ga hadlayo isagu yuu isu yaqaan ma Habar Awal mise Oromo? Hoggaanka reerka ee uu sheegayo, ee tiiha iyo balaayadu ku dhacday, isagu miyaanu ahayn? Dhabarjebinta iyo docfariirka uu ka shaqeeyaa miyaanay tiiha ka mid ahayn?


Siyaasiyiintu waa reero, nin walibana reerkooda ayuu saami qaybsiga dawladnimada ku matalaa, markaa isa gu yuu isu yaqaan oo saamiga wasiirnimada ku qaataa? Ma cid sir ka haysa oo uu ka baqayo ayaa jirta? Muxuu ka ga duwan yahay wasiirrada reeraha kale ee maalin walba qabyaaladda ku dhaashanaya, ee weliba isaga tolkii u bu'aya?


Reer Soomaalilaand oo dhan aan wayddiiyo su'aashan yaabka badan ee Garxajis ka jawaabi kari waayay. Sideedaba maxaa siyaasiga Garxajis ka dhigay qof danta iyo talada tolkii mar walba ku taagan oo dumiya, danta reero iyo shakhsiyaad kalena u taagan oo dhisa? Tusaale ahaan imika maxaa ka la duwaya ninka waxan ku hadlaya iyo Cabdillaahi Abokor? Ama Cali-Marreexaan iyo Toorno? Ama Solteco iyo Mooge?

Ibrahim Hawd
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...