Nuxurka Qodobo Xasaasi Ah Oo Lagaga Hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya

0
Thursday June 13, 2019 - 22:11:20 in News by
  • Visits: 2268
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuxurka Qodobo Xasaasi Ah Oo Lagaga Hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya

    Nuxurka Qodobo Xasaasi Ah Oo Lagaga Hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nuxurka Qodobo Xasaasi Ah Oo Lagaga Hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya


Muqdisho(HWN):-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada.





Shirka ayaa looga hadlay u diyaar garowga iyo qaban-qaabada maalamha xorriyadda dalka iyo midnimada, waxaana warbixin laga dhagaysay guddigii dhawaan uu Ra’iisul Wasaare Khayre u magacaabay ka shaqaynta munaasabadaha muhiimka u ah ummadda Soomaaliyeed.


Kulanka ayaa sidoo kale waxaa warbixin looga dhagaystay wasaaradda amniga gudaha oo soo bandhigtay horumarrada laga gaary sugidda amniga mawaadiniinta Soomaaliyeed iyo qorshaha lagu horumarinayo.




Golaha ayaa meel mariyay Heshiisyada dhiirri gelinta iyo ilaalinta maal-gashi iyo dhaqaalaha iyo farsamada ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar oo ay golaha usoo gudbisay wasaaradda qorshaynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha.


—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya

Loading...
Loading...