Miyaad Arag Qaybta 1aad
Amintu Waa Sooroga Goortu Waa Galab Goorsheegtu Waa Abaaro 4:30 Habeenimo Meeshu Waa Miyi WaxaUu Dhex Marayaa Kayn Cidlaa , Kaynta Waxa Ku Nool Bahalo Halis Badan Sida Libaax , Waraabe , Halaq Iyo Bahalo Kaloo Fara Badan Waxa Uu Sii Wado Socodkiisii Dheeraa Waxa U Dhacay Gabalkii
Waxaanay Isu Badashay Habeen Waxa Soo Bixi Doona Bahalihii Halista Badnaa Muddo Yar Kadib Markii Ay Cadceedu Godka Wada Gashay Ee Ay Libidhay WaxaaIsla Soo Baxay Qaylo Iyo Sawaxan Ka Baxaya Afarta Kaarakoone , Isla Markiiba Wuu Istaagay Si Uu U Sanqadh Tirto Ogaadana Waxa Dhaxay , Halkay
Ka Dhacday Iyo Siday U Dhacday Isagoo Naftiisa La Hadlayana Waxa Uu Is Weydiiyey Qayladani Halkay Ka Baxaysaa ? Ma Dadbaa Mise Waa Bahalo ? Ma Magaalada Sawaxankeediibaa ? Mise Waa Reer Ay Iskaga Yaaceen Xoolihii Oo Ay Iska Jaqeen ? Inyar Markii Uu Arki Waayey , Maqlina Waayey , Helina Waayey Waxani Waxa Ay Yihiin Ayaa Waxa Uu Iska Sii Watay Socodkiisii Balsé Marba Marka Ka
Danbaysa Qayladii Sawaxankii Iyo Guuxii Ayaa Siibadanayaa Soona Dhawaanaya , Waxa Uu Naftiisa Ka Dhaadhiciyey In Kaynta Uu Marayaa Berigii Hore Uu Awoowgii Uga Sheekeeyay Inuu Bahal Ku Cunay Ayna Tahay Meel Ay Bahaluu Ka Buuxaan , Waxa Uu U Socday Si Sanqadh La,Aan Ah Sidoo Kale Waxa Uu Judhiiba Gacanta Geliyey Jeebkiisii Oo Uu Ku Jiray Buuri Iyo Bidh Waxaanu Kala Soo Baxay Buuri Taas
Oo Uu Aaminsanaa Hadii Uu Cuno Inaanu Bahal Hoose Ama Xamaarato Aanay Waxba Ka Qaadayn Xità a Haday Qaniinto Kuna Dhimanayso Haday Qaniinto Waxa Uu Boobsiiyay Furitaanka Bacdii Buuriga Ahayd Waxaanu Dhex Geliyey Far Iyo Suul Waxaanu Isla Soo Qabtay In Danbasa Iyo In Buuriya Waxaanu Geliyey Ilkaha Hoose Iyo Dibinta Dhexdeeda Ee Dhinaca Bidix .
Markii Uu Takhsiimay Waxa Uu Gacanta Midig U Ritay Budh Madax Buuran Oo Uu Sitay , Socod Yar Kadib Waxa Marba Marka Ka Danbaysa Soo Dhawaanaya Qayladii Baxaysay , Waxaanu Marba Marka Ka Danbaysa Dhagihiisa Ku Soo Duulaya Wax U Eeg Dhawaaqa Naanaystiisa Oo Ah ( Malable)
Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xassan
La Soco Qaybta 2aad
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!