Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Oo Doonaya Inay Dacwad Ku Oogaan Laanta Afka Soomaaliga Ee BBC-da
Hargeysa(HWN):-Taageerayaasha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye iyo xubno ay adeegsanayaan ayaa isku raacay indacwad aanay u dhamayn shacabka somaliland ay ka gudbiyaan laanta afka soomaaliga ee idaacada BBC-da.
Taageerayaasha xukuumada iyo xisbiga Kulmiye oo adeegsanaya xubno sheega inay mucaarid yihiin ayaana dacwadan u isticmaalaya magaca somaliland kuwaas oo aan haba yaraatee matali Karin muwaadiniinta.
Sida ay Hadhwanaagnews soo xaqiijisay, dacwadan ay taageerayaasha xisbiga Kulmiye iyo xukuumadu la damacsan yihiin laanta afka soomaaliga ee BBC-da ayey shacabka somaliland la yaabeen sida ay koox yar oo daacad u ah madaxweyne Muuse Biixi ay u adeegsanayaan codka dadweynaha.
Kooxdan daacada u ah taageerada xisbiga kulmiye iyo xukuumada ayaa sidoo kale diyaariyey Wax lagu sheegay saxeexyo ay dadweynaha somaliland samaynayaan kaas oo ay taageerayaasha xisbiga Kulmiye iskugu gudbinayaan guruubyada ay ku leeyihiin WhatsApp-ka iyo baraha kale ee bulshada, waxaana xusid mudan in dacwadani aanay ahayn mid ay war ka hayaan shacabka somaliland ee wadanka gudihiisu isla markaana aanay u dhamayn dadka qurba jooga ah ee ku sugan wadanka Ingiriiska.
Taageerayaasha xukuumada iyo xisbiga Kulmiye ayaa talaabadan dacwada ah qaadaya iyaga oo xejin waayey qaabka ay idaacada qadiimiga ah ee BBC-da gaar ahaan laanta afka soomaaligu u soo bandhigayso wararka, warbixinada iyo waraysiyada xaqiiqooyinka la xidhiidha ee ka dhanka ah xisbiga Kulmiye iyo xukuumadiisa.
Xubno kooban oo daacad u ah madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumadiisa isla markaana ku sugan wadanka Ingiriiska ayey muuqataa in magacii somaliland ay u adeegsanayaan dacwad raqiis ah oo ay daba qaadaan idaacada qadiimiga ah ee BBC-da gaar ahaan laanta afka soomaaliga, taas oo ah laan muhiim u ah guud ahaan dadka afka soomaaliga ku hadla.
Ninka diyaariyey saxeexyada lagaga been abuuranayo shacabka somaliland ee kooxdani sheegtay inay ku dacwaynayaan laanta afka soomaaliga ee BBC-da ayaa waxa soo diyaariyey nin ay isku beel yihiin madaxweyne Muuse Biixi, kaas oo aan hawshan u galin dan uu qaranka ka leeyahay balse u dhaqdhaqaaqaya taageerada uu u hayo madaxweynaha ay isku beesha yihiin iyo xisbiga Kulmiye.
Sidoo kale dadka isku bahaystay dacwadan raqiiska ah ee la doonayo in shacabka somaliland lagaga been abuurto ayaa kooxda wadaa ay u badan yihiin beesha madaxweyne Muuse Biixi, kuwaas oo ka gubanaya dhaliilaha ay dawladu leedahay ee la soo bandhigo.
kooxdan taageerayaasha u ah xisbiga Kulmiye iyo xukuumadiisa ayaan inta badan jeclaysan in laga waramo isla markaana la soo bandhigo tacadiyada ay xukuumadu gaysato ee xadhiga, cabudhinta iyo la dagaalanka xoriyatul qawlka,iyaga oo aan jeclaysan qaabka looga waramo xadhiga Coldoon, Xadhiga Xildhibaan Dhakool, cabudhinta saxaafada, xadhiga muwaadiniinta fikradahooga cabira iyo talaabo kasta oo ay dhinaca xun u qaado xukuumada ay taageersan yihiin.
Dadka haatan isku sheegaya inay dacwaynayaan laanta afka soomaaliga ee BBC-da ayaa u badan beesha madaxweyne Muuse Biixi kuwaas oo ka gubanaya dhaliilaha xukuumada ee inta badan la soo bandhigo iyo qaabka ay idaacada BBC-du ugu baahiso bulshada afka soomaaliga ku hadasha.