Madaxweyne Muuse iyo Xildhibaano Katirsan Golaha Deegaanka Hargeysa Oo Ka Arinsadey Duruufaha Caasimada iyo Dareenka Ku Xeeran
Kulankan oo Dareen gaar ah ulahaa Xubnahan Kooban ee Xildhibaanada Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa,ee Madaxweyne Biixi la Qaatey Kulanka gaarka ah oo iyaggu ahaa Xubno , Aan hore Muddo Xileedkii Golahani Soo Qaatey Habayaraatee lagu arrag Shaashadaha iyo Isdabayaacii Inta ugu badan ee Xubnaha Golaha Deegaanka Caasimadda, Sidoo kalena, Wakhti Xaadirkan loo Tuhmey in lagala Tashaddo Sidii looga Gudbi lahaa Shucuur La.aanta Maayarka iyo Kuxigeenkiisa iyo Dhibaatooyinka Culus ee ay Dugsaneyso Caasimada Hargeysa.
Sida ay Shabakadda Wararka hadhwanaagnews ku heshay ilo Xogogaal ah oo Kulankan u Xaqiijiyay Waxa ay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Xubnaha Xildhibaanadda Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa ee kualnkan la Qaatey natiijadii kulankan isla Qaateen, in Talaabo Degdeg ah lagaga Jawaabo Duruufaha Wakhtigan ka Taagan Caasimadda Hargeysa, iyo Sida loo Waajahayo, Xalkii lagaga Gudbi lahaa taas, oo ay u balameen in Madaxweynaha iyo Golaha Deegaanku Sidii ay go,aan adag uga wada qaadan lahaayeen.

Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid(Soltelco), iyo Kuxigeenkiisa ayaa Muddooyinkii u Dambeeyay tan iyo intii Roobabka Waaweyni ka Da,een Caasimada Hargeysa Waxa sigaar ah Loogu Suntey, in aaney habayaraatee, Labadaa Masuul midkoodna ka Muuqanin Shucuurta Dhibaatooyinka iyo Khasaaraha ka Dhashey Roobabka oo Roobkii Dabayaaqadii Bishii Ramadaan Ka Da,ay Caasimada Hargeysa ay ku qudhbaxeen Dad gaadhaya Toddoba Qof kuna Dhaawacmeen Tobaneeyo Qof halka Burbur badan iyo Dhismayaal badanina ku baaba,een Laakiin aan Maamulkani habayaraatee laga arrag Masuuliyadii ayku.lahaayeen Dhacdadan Marka laga taggo Suudh ay Ku labisnaayeen iyo Qosolka ay La Wadaagayeen Madaxweynaha iyo.Wasiiradii Lasocdey.
Hadhwanaagnews