TAXANAHA CAAFIMAADKA. WADNE XANUUNKA

0
Tuesday November 15, 2022 - 11:19:03 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 962
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TAXANAHA CAAFIMAADKA. WADNE XANUUNKA

    Sababta ugu badan dadka xusuustooda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sababta ugu badan dadka xusuustooda


1. Xilliga ugu badan sokortu kacsan tahay waa subaxdii sababtoo ah habeenkii waxaa aad u shaqeeya Hormanada qaar sida Adrenalin, Cortisol iyo Glucagon marka cabir sokortaada habeenka aadan ku cashayn wax bur ka samaysan, baasto iyo bariis


2. Sida ugu fiican looga hortagi karo in hormonadaasi kiciyaan sokorta waa in qofku casheeyo maqribka ka hor ama uu sameeyo jimicsi cashada kadib, cashada cishaha kadib waxay qofka usoo dadajisaa cudurada halista ah sida sokorta iyo dhiigkarka

3. Sababta ugu badan dadka xusuustooda yaraysa ama badisa hilmaanshaha waa cunista waxyaabaha macaanka ah ama sokortu ku badan tahay. Macaanka in qofku cuno waa halis waxaase ka halis badan qofka inuu wax macaan aad u cuno isagoo aan samaynayn wax exercise ah dhididna uusan ka baxayn

4. Dadka ugu badan ee ka badbaada cudurada lala noolaado sida sokorta, dhiig karka iyo kalastaroolka waa dadka qabta shaqooyinka gacanta laga qabto sida dhisida guryaha ama sameeya socodka 60 daqiiqo xiriir ah

5. Farqiga u dhaxeeya Beerka qofka sokorta aadka u cuna iyo qofka sokor cunistiisu yar tahay waa midka sawirka kaaga muuuqda. Beerka qofka sokorta aadka u cuna waa beerka madow sawirka kore nadiif ma noqdo qofkaas beerkiisa. Sidaa darteed macaanka inta aad iska yarayn marto yaree si beerkaaga uusan ugu samaysmin dufan

Qodobkee Aad Kusoo Jiitay?
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...