Dalkii Britain (Uk) Miyuu Burburyaa ?
Dhimashadii boqorada ingiriiska Queen Elizabet waxa uu s soo dhaweeyay burburkii dalka Britain.
Boqortooyadii la odhan jiray qoraxdu kama dhacdo)ee daafaha caalamka ka talin jirtay ( Africa- Asia- New zeeland- Australia - Canada -Carrebean iyo dalal kale oo badan oo qaaradaha dunida ku kala yaala.
14 dal ayaa hoos yimaadda iminka boqortooyada Britain , sanadkii hore 2021-kii ayaa ay mid xornimo ka qaadatay .
iyo 56 dawladood oo commonwealth-ka ka tirsan oo laakiin madax banaani haysta .
Dalka Birtain wax badan oo horumar ah ayuu dunida u horseeday oo gaadhsiiyay dhInaca ( warshadaha -caafimaadka- waxbarashada - dawladnimada -magaalo sida loo samaysto iyo nidaamka dimuqraadiga ah iyo doorashooyinka iyo axzaabta ) iyo waxyaabo kale oo badan , oo aan la soo koobi karayn.
Hadana dhibaatooyin fara badan ayay dunida u geysteen ( boqortooyadii ingiriiska oo ilaa iminka taagan oo dagaal iyo dhimasho badan ku haya dunida
( oo 2-ba dal oo kasta oo deris ah way isa sudheen,oo xuduud iyo dhul ayay isku haystaan) waxaas oo dhan oo khilaaf dunida ka jira iyagaa sababay )
Maanta Boqortooyadii Britain dawladihii hoos iman jiray , way ka sii wada socdaan, oo waxay ku talo jiraan in ay ka baxaan ./
Waxa kale oo ka hortimi dhibaatooyin dhaqaale oo aad u xun
oo ay ka mid tahay ( prexit)ka bixitaankoodii suuqa (EC) iyo dalalka europe , arintaas oo ahayd mid aanay filanayn oo ku talo gelin siyaasiyiinta dalka Britain, oo sababtay in uu iscasilo ra,iisal wasaarihii dalka David Cameroon ( guul daradaa ku timi awgeed) .
( xisaab qaldan ayay ahayd ).
Waxaa hadana ku xigtay dhibaatadii dhaqaale ee xumayd ee uu sababay xanuunka covid 19-kii
xanuunkaas oo caalamka oo dhan kala xidhay oo dhaqaale xumi u geystay beesha caalamka oo dhan .
oo dhaqalihii aduunka oo dhan dhulka geliyay .
Maantana waxa ka taagan siyaasad xumo iyo asqo siyaasadeed oo ay siyaasiyiintii dalka ay xal wanaaagsan u la<yihiin dhaqaale xumada soo waajahday dalka . Arintaas oo sababtay in muddo 10 sano gudahood ah ay 4 ra<iisal wasaare isku bedelaan. kii 5-aad iminka ayaa la doortay .oo weliba ajinabi ah oo Hindiya ,
im uu ku raagayana u malayn maayo . ( xisbigiisuna wuu dhacayaa, ayaa muuqata doorashada danbe).
Waxa waxaas oo dhan ka sii daran lacagtii pound-ka ahayd ee Britain ayaa dhulka gashay , siyaasad xumo awgeed iyo qorshe siyaasadeed xumo awgeed.
waxa uu qorshihii dalka Britain la mid noqday sidii dawladihii dunida sadexaad ee kacaa kufa yay ee jaah wareersan .
Waxa kale oo sii curyaamiyay dhaqalihii dhibaatooyin shidaalka ee ka dhashay dagaalka Russia iyo Ukrain,
oo sababay in sicir-barar xun ku dhaco dadka iyo noloshoodii oo ay shacabka ku adkaatay noloshii iyo maciishaddi .
arintaas oo sababtay in uu lunsan yahay dalkii maanta oo asqaysan yahay oo waddo uu qaado la garan la,yahay iyo sidii looga bixi lahaa ee dadlka iyo dadka looga saari lahaa.
Arintaasu waxay sababtay in ra,iisal wasaare Hindiya la doorto , bal in uu dalka xal u keeni karo.
( way asqoobeen dadkii ingiriiska ahaa).
Arintaasu in ay ka suurto gasho dalka Britain ma filanaysay weligaa?
bal dunidu sida ay isu bedeshay iyo siyaasadu eega.
Scotlan - N.irland iyo Wales ) iyaguna way sii socdaan , Scotland weliba ha ugu horeysee .
Markaa waxa laga yaabaa in uu boqor Charles uu noqdo boqorkii ugu danbeeyay dalkii Britain laysku odhan jiray /
waxa hubaal ah in xadaarad kastaaba burburto oo tuulo yar ku danbeeyo maamulkeedu.
awood kastaaba xili ayay leedahay oo ay dunida ka taliso iyo xili ay burburto.
xilka iyo awooda iyo hogaanka dunidu waa wareegtooo waa qori isu dhiib.
70-kii sano ee u danbeeyay iyo ilaa maanta waxa dunida ka taliya dalka USA , maantana waxaad moodaa in ay dalal kale soo guuxayaan oo soo socdaan oo ay doonayaan in ay bedelaan dalkii USA .
Hadaba maxay ku soo kordhin doonaan awoodahaasi horumarka iyo xadaaradaha iyo nolosha umadaha dunida .
Su,aashaas xiliga iyo wakhtiga ayaa ka jawaabi doona .
CALI MAXAMED BIIXI
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!