Dalkeenii Halisbu Daf Yidhi,Doorasha Dadkii Kala Dishayee,,Ducaystoo Siyaasi Diida.
Tu khaas ahna bahda H/W iyo akhristayaasha.
Duumiyo daday daashadeen,Dulsaarkan abaaro daran,
Debnaha waxa geshan iyo,Daryeel dawladeedna qabin,
Danaystoow siyaasigeenuna,Durban doroshada tuman,
Dalkeenii waxaa u hadhay,Duulaan damqashaba aqoon,
Damiirba qaaraan lahayno,Duulaan meeshaba ku yimid,
Doolaraan dalkan oolin baanay,Malaha doondoonayaan,
Dadkeenay kala qaybiyaano,Denbiyaal bay inaga galeen,
Dagaal bay abaabulaanooy,Da’yarteenuun ku laynayaan,
Dadkaba kuwii ilaalinaayaa,Dilaayoo haddeer lagu diraa,
Digtoonaan haddaan la gelin,Aynaan diidin tanay wataan,
Halkee baan ku danbaynayna,Dariiqii hadduu gedmaday,
Ducaysto daayinkeen baryoo,dadaalkana yaan la daynin.
Ismail Abdillahi Handuleh.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!