Qiso Cajiib ah oo ku sahabsan Faa'iidada Istiqfaarta!!
Ninkii wuxuu yidhi istiqfaarta waan ka helay wax kasta oon Alle swt ka baryo,
Faa'iido aad u badan ayay leedahay istiqfaartu. Waxaa dhacday iimaamkii waynaa ee Ahmed bin Xanbal ayaa safar u baxay dabeed wuxuu yimi magaalo aan laga garanayn sheekha dabeed markii magalada masjidkeedii ku tukaday salaadii cushaai ayuu doonay in uu masjidkii seexdo laakiin waxaa u diiday ninkii masjidka ka masuulka ahaa ka dib sheekhii aya masjidkii debeda looga soo saaray.
waxaa arkay nin masjidka la jaar ahaa oo oo moofo lahaa ninkii ayaakexeeyey Ahmed oo aanu garanayn meelbuu seexiyey ka dib ninkii moofada lahaa ee dubaaya Khubuzka mar kasta wuxuu ku celcelinayey Istiqfaarta ilaa waagu ka baryey, Ahmed ayaa aad ula yaabay ninkaas habeenkii oo dhan sida uu ugu celcelinayey istiqfaarta.
Subixii markii waagii beryey ayuu Ahmed waydiiyey ninkii waar xalay oo dhan waad istaaqfuranlaysanaysay ee waxad ii sheegtaa faa'iidada istifaarta ?
Ahmed ninkan wuxuu waydiiyey su'aasha isagoo garanaya faa'iidada istiqfaarta, balse wuxuu rabay inuu ninkan eego siduu uga jawaabo.
Ninkii wuxuu yidhi istiqfaarta waan ka helay wax kasta oon Alle swt ka baryo, laakiin ilaa hada hal masalo oon Alle ka baryey ma helin.
Ahmed ayaa waydiiyey maxay tahay halkaa masalo? Wuxuu yidhi in badan waxaan Alle ka sugayey inuu i tuso intaan noolahay sheekha la yidhaaho Ahmed bin xanbal.
Ahmed ayaa intuu yaabay qoslay oo yidhi; Ahmedna waatan xalay masaajidka laga soo jiidee laguugu keenay gurigaaga Alaahu Akbur.
Istiqfaarta aynu ku dedaalno wax kasta oo wanaagsan waynu helaynaa Insha Allaah.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...