Sheekh Cabdillaahi Xassan Xaashi (Barbaraawi).

0
Sunday November 13, 2022 - 18:21:36 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1852
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Cabdillaahi Xassan Xaashi (Barbaraawi).

    Sheekha ayaa soo jeediyey 10kan qodob ee hoos ku xussan:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekha ayaa soo jeediyey 10kan qodob ee hoos ku xussan:

"Ku dadaal, toobad keenista, xidhiidhinta Qaraabadaada, badinta Salaanta, Samafalka Waalidka iyo jaarka, Carabkaaga xuska Alle ku hay, Agoon quudi, dadka heshiisintooda ku dadaal, kuwa buka booqo, Saliga Nebiga scw xooji, Walaalada iyo dadka muslimka ah ee kaa maqan u ducee, Amaanada ilaali, Indhahaaga xaaranta & xumaanta Ska ilaali, Waysada dhammeystir, 


Masaajidka xagiisa u lugee, eedaamka iyo aqiimka dhexdooda ducada badi, Salaada ciida ku dadaal, Digriga Alle salaad kaste dabadeed ku dadaal, Masaakinta quudintooda badi, Laabtaada xaadh oo ka xaadh xiqdi iyo xumaan oo dhan.”

Sheekha ayaa soo jeediyey 10kan qodob ee hoos ku xussan:

1. In aynu salaadaha faralka ah ku xoojino sunnayaal badan gaar ahaan barqadi in aynu tukano 4 rag-cadood baryada Rabbina aynu badino maalmahan barakada badan.

2. In aynu dhammaanteen soonka ayaamahan ku dadaalno gaar ahaan maalinka 9aad

3. In maalmahan dadka sooman aynu afurino ugu yaraan hal qof inaad ku dadaasho afurintiisa.

4. In aynu sadaqo badan la baxno, waayo? sadaqadu waa shayga kaliya ee damiya cadhada Alle.

5. In aynu carabkeena xuska Rabbi xoog ugu hayno kuna dadaalno fadhiga Masaajida.

6. Ehelkaaga ugu bishaare iyo saaxibada fadliga ayaamahan qiimahoodu leeyihiin, qof wal oo aad ayaamahan ku baraarujiso fadliga uu helo kiisa ayaad helaysa.

7. ka farxi ehelkaaga gaar ahaan caruurtaada iyo xaaskaaga wixi aad haysana sii.

8. Maalin walba akhri 3dex jis oo qur'aan ah si aad 10ka cisho aad u dhammeyso qur'aanka waayo? wax la akhristo kitaabka Alle ayaa ugu fadli iyo wanaag badan.

9. Ku dadaal, toobad keenista, xidhiidhinta qaraabadaada, badinta salaanta, samafalka waalidka iyo jaarka, carabkaaga xuska Alle ku hay, Agoon quudi, dadka heshiisintooda ku dadaal, kuwa buka booqo, saliga Nebigascw xooji, wallaalada iyo dadka muslimka ah ee kaa maqan u ducee, Amaanada ilaali, Indhahaaga xaaranta ka ilaali, waysada dhammeystir, masaajidka xagiisa u lugee, eedaamka iyo aqiimka dhexdooda ducada, badi, salaada ciida ku dadaal, digriga Alle salaad kaste dabadeed ku dadaal, Masaakinta quudintooda badi, laabtaada xaadh oo ka xaadh xiqdi iyo xumaan oo dhan.

10. Ehelkaaga quudi, doono dadka taagta daran iyo masaakinta oo kaga farxi cunto, dhar iyo dheef wixi aad tari karto. Alle dhammaanteen ha inoo fudeydiyo qodobadas oo dhan ayuu Sheekhu ku soo ururiyey hadalkiisa gaadhsi walaalahaaga kale oo dhan."
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...