Albert Einstein iyo Suratul Kahfi

0
Sunday November 13, 2022 - 18:17:41 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1250
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Albert Einstein iyo Suratul Kahfi

    W/Q: Dr. Fosi Mohamoud Qoofal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Dr. Fosi Mohamoud Qoofal



Albert Einstein waa saynis-yahankii ay Time Magazine u aqoonsatay inuu yahay shakhsiyadda ku astaysan qarnigii 20aad (The Person of the 20th Century). Einstein wuxuu ku caan-baxay xisaabaadka uu ka sameeyay sida cufis-jiidadku u sameeyo gedgedoonka waqtiga (how gravity affects time and space).


Si fudud haddaynu u dhigno, Einstein wuxuu soo bandhigay in laba qof oo laba meelood kala jooga aanu waqtigu si isku mid u soo wada marin, hal dhacdana isku si aanay u wada arkahayn (theory of relativity).



Intiina filimaanta jecel, haddii aad dawaateen filimka magaciisa la yidhaahdo Interstellar ee soo baxay sanadkii 2014, waxaad tusaale ka aragteen qaabka theory of relativity u shaqayso. Aktarka filimka metelaya oo ah nin cirbixiyeen ah ayaa isaga oo 33-jir ah loo dirayaa hawlgal ah inuu soo helo meere kale oo looga guuro dhulka, maadama oo uu dhacay dagaal nukliyeer ah oo dhulkii noqday lama-


 

deggaan aan lagu sii noolaan karin. Haddaba wuxuu dhulka kaga tegayaa gabadh yar oo uu dhalay oo 8 jir ah. 

Dayax-gacmeedkii ay wateen ayaa wuxuu sii jiidhayaa goob uu aad u sareeyo cufis-jiidadkeedu (high gravity), kana dhigaysa waqtiga mid gaabiya. Markuu hawl-galkii ka soo laabto ayuu ugu soo noqonayaa inantiisi yarayd oo 90 jir kor u dhaaftay iyo isaga oo aan weli da’ ahaan is-bedelin. Aabahiina weli waa 33-jir, inantiisa waa 90 iyo dhawr jir.


 

Sidaas si la mid ayaa Quraanka laga helayaa tusaalayaal fikradda waqtiga kala duwan ah (theory of relativity).


1.Suuratul Kahfi waxay suuraynaysaa fikraddaas iyo aragtida Albert Einstein. Qisadu waa dhalinyartii iskaga tegtay magaaladoodii ka dib markay ka biyo diideen asnaamtii ay caabuudayeen qoomkoodu. Deedna waxay magan-galeen god ku yaal buur magaaladda u dhaw,

2.

3.halkiina hurdo ayaa ugu timi. Haddaba, markay soo tooseen waxay is-weydiiyeen intuu leegyahay waqtiga ay hurdeen. Waxay isla garteen in maalin ama maalin-badhkeed keliya ay hurdeen. Lakiin, magaaladdii ay ka yimaadeen waqtiga ay jartay waxaa lagu qiyaasay 300 sano iyo wax ka badan (Ilaahaybaa se og).

4.

5.Qudradda iyo weynidda Ilaahay ayaa godka dhalinyartaasi ku jirto iyo magaaladdoodi ka kala dhigtay laba goobood oo ku kala mareeya cufis-jiidadyo kala duwan (different gravities), sidaad darteedna, waqtigu siduu u soo marayaa kala duwanyahay. Dhalinyarta waqtigoodu waa gaabis, halka ka magaaladduna uu dheeraynayo.


2. Suuratul Baqra iyana waxay inoo sawiraysaa nin jiritaanka Ilaahay aamini waayay oo hurdo laamadood ah la geliyay. Markii uu soo toosayna, ee uu is-yidhi maalin ama maalin badhkeed ayaad hurudayna, lagu yidhi: eeg dameerkaagii isagu qalfoof ayuu noqdaye, cuntadaadina eeg, iyadu ismay bedeline. Halkanna waxaa laga garanayaa in Ilaahay (SWT) uu ninka, dameerkiisa iyo cuntadiisiiba kala saaray saddex weel oo kala cufis-jiidad/gravity duwan.


 

3. Ugu dambayn, waxaynu ognahay in Quraanku ku sifeeyay maalinta qiyaame maalin u dhiganta 50,000 sano oo taariikhdeena ah (المعارج‎). Qof kasta maalintaasi xaddi waqtiyeed oo gaar ah ayay u leedahay. Malaa’igta waxaa la sheegaa in maalintaas uga dhigantahay iyaga 24 saac keliya.


Haddaba, Albert Einstein iyo fikraddisa relativity waxay inoo cadeeyeen qudradda iyo awoodda Ilaahay. Ilaahay aynu u caabudno sida xaqa ah ee uu inaga mudanyahay. Jazakumu Laahu khair.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...