Calaamado Muujinaya Inaad Qabto Cudurada Nafsiga Ma isku Aragtay Calaamadahaan.?
Waa Kee Lambarka Aad iska dhex aragtay.?
1: Maalintii Oo dhan Waxaad Ku dhameysataa Shaashada Taleefoonkaaga Umana Aabayeeshid Wax yaabaha Hareerahaaga iyo banaanka Ka dhacaya
2: Waxaa Aad U Xadidan dhaq dhaqaaqa Aad Sameyso Waxaad Ka door bidaa inaad Maanta dhan iska fadhiso
3: Waxaad dhibsataa Kulanka bulshada iyo is dhax galka Dadka Kale gooni U socod ayaad tahay Kalinimada ayaad jeceshahay
Saas ay tahay markaad muddo meel Kaligaa fadhisid ma daaleysid
4: Waxaad Mar Walba jeceshahay inaad Raashiinka iyo Shaahiga Cabitaanka afka Ku hayso Si Aad isaga yareyso Wal Walka Aad dareemeyso raaxo U siyaasato
5: Wax qorsho ah Meel Kuuma yaallo Oo Aad damacsan tahay inaad berri Ku dhaqaaqdo iyo mustaqbalka fog
6: Badanaa Ma daryeeshid quruxda jirkaaga iyo Muuqaalkaga dibada ah Kulama aha in ay yihiin Arrimo muhiim ah
7: in badan Waxaad dib U dhigtaa Camalkaaga
8: Hurdada ayaa Waxaa kaaga jiro Khal Khal Mar mar Waxaad Hurudaa Si Wanaagsan Mar Wax Hurdo ah Kaama soo dhacdo
9: Mar Waliba Waxaad Ka Hadashaa Dareenka dadk Kale ay Kaa Aaminsan Yihiin Adigo Ku Saamoobaayo Hadalkooda
10: Waxaad Ku fakertaa meesha Aad joogto iyo dadka Aad la joogto Haddaad Ka dheeran laheed inaad Farxad dareemi laheed.
Waa Kee Lambarka Aad iska dhex aragtay.?
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...