Qaadka Iyo Xidhiidhka Uu La Leeyahay Faaligga, Waallida Iyo Dhiigkarka

0
Saturday November 12, 2022 - 18:21:41 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1265
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaadka Iyo Xidhiidhka Uu La Leeyahay Faaligga, Waallida Iyo Dhiigkarka

    W/Q: Ahmed I. Hersare BSc, MSc

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed I. Hersare BSc, MSc

 



 

Qaadku – Catha edulis -  waa geed caleen wayne ah oo ka baxa dhul waynaha bariga Africa (Ethiopia Kenya and Somaliya) iyo koonfur-galbeed gacanka carabta (Yemen). Dhul ahaan, waxa uu ka baxa buuralayda heer-kulka dhexe iyo carrooyinka biyo-qabatinka leh ee qadhaadh iyo waliba gibilka huurka iyo diirrimaadka leh. Geedkani waa dareen cariye caleentiisa la calaaliyo, la tumo ama loo adeegsado sida caleenta shaaha oo kale, inta badan waxa adeegsada dadyowga ku dhaqan meelaha uu ka baxo. Innaga oo si wacan uga war hayna dhibaatooyinka kala duwan ee cunista geedkani ay baday horumarka dhaqaaleheenna iyo siduu u dilo wakhtiga, fikirka togan, iyo dareenka rooxaaniga ahba waxa aynu qormadan ku faaqidi doonaa caleentan Qaadka iyo waxa ay ka kooban tahay, maaddooyinka ku jira, sida ay jidhka u saameeyaan iyo ugu danbayn xidhiidhka uu qaadku la leeyahay xannuunada Faaliga, Dhiigkarka iyo xannuunada Dhimirka.



Caleenta Qaadku marka ay curdinka tahay waxa ku jira isku-dhisyo kiimiko ah oo tiro badan oo aynu ka xusi karno Cathinone iyo Cathine – waana labada ugu muhiimsan ee saamaynta balaadhan ku leh habsami u shaqaynta habdhisyada dareen-wadka iyo dhiig-wareegga jidhka Aadamaha –


Cathinone ayaa ah maaddada sida xoogga ah u saamaysa ee carisa habdhiska dareen-wadka iyo wadnaha, 48 saacooc ka dib waxa ay isku badashaa Cathine oo iyadu ah mid liidata waana sababta Qaadka loola cararo ama biyaha iyo jawaannada loogu qooyo.

Cathinone waxa ay leedahay saamayn aad ugu dhaw ama la odhan karo waa la mid saamaynta ay leeyihiin Hoormoonada iyo dheecaanada dabiiciga ah ee heeganka ee ay soo dayaan qanjidhada maskaxda iyo kalyuhu marka ay yimaadaan xaaladaha dagdaga ah iyo colaaduhu. 


Sida caadiga ah, jidhka Aadamaha waxa uu Alle wayne siiyay adeeg xaasaasi ah oo lagaga gudbo  xaaladaha dagdag ah  marka uu qofku la kulmo wax argagax leh ama uu ciyaarayo, jimicsanayo, orodayo iyo marka uu dagaalamayo, waxa maskaxda iyo kalyaha dushooda laga soo daayaa dheecaanno isbadal dhakhso ah ku sameeya habsami u shaqaynta dhammaan habdhisyada jidhka, waxa kordha garaaca wadnaha iyo cadaadiska dhiigga, maskaxda ayaa amaro heegan iyo feejignaan ah u kala dirta dhammaan nudaha ay khusayso ka fal-celinta argagaxa iyo colaaduhu, sanbabada ayaa kordhiya neefsiga, muruqyada ayaa lagu furaa dhiig badan oo nafaqaysan, beerka ayaa isaguna qayb wayn ka qaata is badalkan dagdaga ah isaga oo burburinaya sonkoraha ku dhex kaydsan gudihiisa si loo kiciyo xaraarada guud ee jidhka,, dubka sare ee maqaarka waxa ka kacda saan adag oo rabadh ah, jidhidhico iyo xaadda oo istaagta sidii aad Mas ku istaagay, sida oo kale bu’da isha ayaa balaadhata si loo xoojiya awoodda aragga, xiniinyaha ragga ayaa iyaguna kor uga baxa kiishka ay ku jiraan. Dhinac kale, waxa hakad la galiyaa dhammaan hawlaha aan muhiimka ahayn ista xaaladdan heeganku jirto sida dheefshiidka iyo kaadi saarka. Rubuc saac haddii uu jidhku xaaladdan ku jiro waxa uu adeegsanayaa boqol jeer laab tamarta uu adeegsan karo laba iyo toban saac oo xidhiidh ah.


Haddaba akhriste, maaddadan Cathinone ee ku jirta caleenta qaadku marka ay ku milanto dhareerka ee ay nuugaan xididdada dhiiga ee camanku waxa ay jidhka ka kicisaa xaalad daganaan ah, waxa ay geysaa xaalad heegan iyo colaad ah oo la mid ah taas aan kasoo sheekeeyay iyada oo aanu jidhku la kulmin wax dhib ah, bal qiyaas!! qofka maalin kasta dhawr iyo toban saacadood oo xidhiidh ah jidhkiisu uu ku jidho xaaladaas adag, tamar intee leeg ayuu gubayaa jidhkiisu? Seexan kari maayo qofku oo jidhkiisuba colaad iyo dagaal ayuu ku jiraa, fikirka maskaxduna aad ayuu u shaqaynayaa, waxa intaas dheer cunto u hunguroon maayo oo sidii aan hore u sheegay xilliyada heeganka waa la hakiyaa hawlaha aan xilligaas muhiimka ahyn sida dheefshiidka. Muddo ka dib ay jidhkiisa ka baxdo kiimakada Cathinone hurdo, daal iyo burbur maadaama uu heegan iyo dagaal uu ku jiray saacado badan oo xidhiidh ah, waxa uu ka baaqanayaa ama uu kari waayayaa in uu ku foofo hawlihiisa maalinlaha ah


Sida aynu ka war qabno, bulshadeenna gaar ahaan ragga waxa aad ugu soo badanaya xannuunada Faaligga, Dhiigkarka iyo kuwa Dhimirka. Marka laga tago dabeecadda cunto ee qofka, xannuunadani waxa ay xidhiidh la taaban karo la leeyihiin cunista Qaadka, diraasaadka qaarkood waxa ay tilmaamaan in 65% xannuunadaas aynu sheegnay ay sababaan adeegsiga maandooriyeyaasha Qaadku ugu horeeyo.


Kor u kaca joogtoda ah ee garaaca wadnahu waxa ay curyaaminaysaa hab-sami u shaqayntii wadnaha, cadaadiska dhiigga ee sare waxa uu hoosta ka jeexayaa oo uu ka jafayaa halbowleyaasha dhiigga, waxa samaysmi kara xinjiro gufayn doona xididdada dhiigga ee dhuudhuuban, waxa xidhmi kara halbowleyaasha dhiigga geeya maskaxda iyo wadnaha. Taas ayaa ah ta qofka ka dhigaysa in uu saacad walba halis ugu jiro in maskaxda dhiig kaga firmo ama wadnuhu istaago.


              Ahmed I. Hersare BSc, MSc

                      Senior lecturer at UoH

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...