"Saleebaan Awood uu Wax Ku Kordhiyo Malaha, Muusenna Wuu Iska Gartay Inay Xaarraan Tahay" Siyaasi Jaamac Shabeel

0
Saturday November 12, 2022 - 15:31:58 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1702
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Saleebaan Awood uu Wax Ku Kordhiyo Malaha, Muusenna Wuu Iska Gartay Inay Xaarraan Tahay" Siyaasi Jaamac Shabeel

    "Saleebaan Awood uu Wax Ku Kordhiyo Malaha, Muusenna Wuu Iska Gartay Inay Xaarraan Tahay" Siyaasi Jaamac Shabeel

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Saleebaan Awood uu Wax Ku Kordhiyo Malaha, Muusenna Wuu Iska Gartay Inay Xaarraan Tahay" Siyaasi Jaamac Shabeel



Hargeisa(HWN):-Siyaasiga Jaamac Ismaaciil Shabeel oo ka mida Siyaasiyiinta waa wayn ee Xisbiga WADDANI ayaa sheegay inaan la fahmi karin Madaxweynaha talada haya ee Muuse Biixi Cabdi.
Siyaasi Jaamac Shabeel Oo Saddexda Xisbi Qaran Ku Tilmaamay Shandado Saddex Nin Sitaan Lana Gaadhay Wakhtigii La Is Dhaafin Lahaa!


Siyaasi Jaamac Ismaaciil Shabbeel waxa uu sheegay Safarkii Murashaxa iyo Guddoomiyaha WADDANI ay ku tageen Bariga Somaliland inay ka soo baxday farriin cad oo Shacabka Somaliland u direen Madaxweyne Biixi oo ah doorasho Madaxweyne inay rabbaan.

"Muranku waxa uu u dhaxeeyay markii hore Xukuumadda iyo labadda Xisbi mucaarid, haddase waxa uu u dhaxeeyaa Xukuumadda iyo shacbiga reer Somaliland. Safarkii uu Murashaxa Xisbiga WADDANI iyo Guddoomiyaha WADDANI ay ku tageen Bariga Somaliland waxa muuqatay rabbitaanka Shacabka Somaliland oo ah Doorasho Madaxweyne in la qabto. Shacabkii tirada badnaa ee isku soo baxay ma jirto cid soo saartay oo adduun ku bixisay, markaa waxaan leeyahay haddii Shacbigu soo jeesto Madaxdu itaal malaha ee karraamaddu Shacbiga ayay saarran tahay.

Dawladnimaddu waa Shacbiga, adiga maamul baa lagu yidhi, haddaad ka hor timaado way ku jiidhayaan, waanad garanaysaa intay Nin jiidheen Shacbigu, markaa adigu tasho intaanay ku jiidhin rabbitaanka Shacbigu. Saleebaan wax ma kordhin karro, awoodna uma laha inuu cid u kordhiyo, waayo isaga laftiisa lama doorran sharcinna kuma fadhiyo, markaa waa Sharci-darro, manna xishoonnayaan dadka meesha fadhiyaa, Muuse Biixinna wuu iska gartay oo wakaas yidhi jadwalkii Komishanka ayaan doorashadda u raacayaa, inay Xaarraan tahay-na wuu gartay, meeshan Karraamadda u sarraysa waxa leh Shacbiga reer Somaliland." Ayuu yidhi Siyaasi Jaamac Shabeel.


Loading...
Loading...