Xildhibaan Mubaarak Dhalaal Oo Sheegay In Xisbiyadda Mucaaridku Dhaqan-gelinayaan go'aanadii Ay Soo Saarreen

0
Saturday November 12, 2022 - 15:11:33 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1242
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Mubaarak Dhalaal Oo Sheegay In Xisbiyadda Mucaaridku Dhaqan-gelinayaan go'aanadii Ay Soo Saarreen

    Xildhibaan Mubaarak Dhalaal Oo Sheegay In Xisbiyadda Mucaaridku Dhaqan-gelinayaan go'aanadii Ay Soo Saarreen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Mubaarak Dhalaal Oo Sheegay In Xisbiyadda Mucaaridku Dhaqan-gelinayaan go'aanadii Ay Soo Saarreen
Hargeisa(HWN):-Xildhibaan Mubaarak Muuse Dhalaal oo ka mida Mudaneyaasha golaha Wakiillada Somaliland, isla markaanna ka tirsan Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa ka hadlay talaabadda la gudboon berri oo taariikhdu tahay 13 November.
Ismaciil Bakayle - Xildhibaan Mubarak Ismail, 'Dhalaal' O Kamida Mudanayaasha Golaha Wakiilada E Mucaradka ah, Ma Kamid tahay Dadka Ku Tabacsan Mucaradnimada.? | Facebook


Xildhibaan Mubaarak waxa kale, oo uu ka hadlay safarkii dhawaan ay Madaxda Xisbiga WADDANI ku soo marreen gobollada bariga Somaliland, waxaanna la waydiiyay ujeedada safarkaasi uu daarnaa.

"Runtii safarkaasi waxa uu ahaa mid ay Madaxda Xisbigu ay kula tashanayeen taageerayaashoodda gobollada Bariga. Sidoo kale tashi ugu tageen Odayaasha iyo Waxgaradka deegaannadii ay marreen oo dhan. Wada-tashigaasinna waxa uu salka ku hayay, maaddaama uu Xisbigu go'aanno soo saaray wixii ka danbeeya 13 November wixii la qaban lahaa iyo talaabadda ku habboon la qaaddaayo." Ayuu yidhi Xildhibaan Mubaarak Dhalaal oo ka tirsan Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.

Xildhibaan Mubaarak Dhalaal waxa uu intaas ku daray oo uu sheegay in go'aannadii Xisbiga WADDANI soo saarray looga baahan yahay Xukuumadda inay dabaqdo, haddii ay dhaqan gelin waydanna Xisbigu waxa uu qaadanayaa go'aan ah inuu ku socdo qoddobadii uu soo saaray.
"Go'aannadii waxay ku xidhan yihiin in Xukuumaddu heshiis ka soo saarto, haddii wax heshiis Xukuumaddu la iman waydo labadda Xisbi mucaarid go'aanaddaas ayay fullin doonnaan." Ayuu yidhi Xildhibaan Mubaarak.


Loading...
Loading...