Taliye Faashi Sita Oo Ka Soo Baxay Ciidankii Booliska Somaliland Iyo Masuuliyiin Mucaarid Ah Oo Uu Ku Eryaday

0
Saturday November 12, 2022 - 12:32:57 in News by Abdi Good
  • Visits: 2567
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye Faashi Sita Oo Ka Soo Baxay Ciidankii Booliska Somaliland Iyo Masuuliyiin Mucaarid Ah Oo Uu Ku Eryaday

    Taliye Faashi Sita Oo Ka Soo Baxay Ciidankii Booliska Somaliland Iyo Masuuliyiin Mucaarid Ah Oo Uu Ku Eryaday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliye Faashi Sita Oo Ka Soo Baxay Ciidankii Booliska Somaliland Iyo Masuuliyiin Mucaarid Ah Oo Uu Ku Eryaday

Falalka noocan ah, maalintii dhawayd ee 14 Safiir kulanka la yeesheen Madaxweynaha, waxyaabihii ay kala hadleen ayey ku jirtay in aan awood loo adeegsan Mucaaradka.
May be an image of 2 people, people standing and outdoors


Arrimaha noocan ah iyo kuwii dhacay Bilihii June iyo August, waa kuwo sawir aad u fool xun ka bixiyey Somaliland iyo sumcaddeedii.

Dalalka Somaliland taageerada niyad Jab ayey ku riday, halka qaar ka fikirayaan In ay joojiyaan taageeradii ay siin jireen Somaliland, ka dib walaac ay ka qabaan tallaabooyinka ka dhanka ah xoriyad muwaadiniinta iyo Mucaaradka.

Arrintan waxa kale oo ay fursad weyn siinaysaa kuwa qadiyadda Somaliland ka soo horjeeda ee adduunka u sawira in ay Somaliland tahay meel ku tumashada xuquuqda aadama astaan u ah, sida maalmihii u dambeeyey nin garyaqaan Mareykan ah oo Somalia lacag ku siisay inuu ka shaqeeyo is hortaaga Heshiiskii iskaashi iyo Mareykanka uu aad u adeegsadayey isla markaana Warbaahinta adduunka ku faafinayey dhacdooyin Somaliland ka dhacay oo ay ka mid yihiin kuwii Mudaharaadyadii u dambeeyey iyo xadhigga saxaafadda.

Sawirkan waa Sarkaal Booliska Somaliland ka tirsan oo Xoghayaha Dhlinyarada iyo Ciyaaraha ee Xisbiga Waddani la hor taagan Faash.
Waxa aan go’aan Xukuumaddeed iyo mid Talis Bilays ka soo bixin ayaa laga yaabaa inuu dhibaato weyn u soo jiido Somaliland.

Loading...
Loading...