Aqalka Cad oo sheegay in madaxweyne Biden aysan qorshaha ugu jirin kulan uu la qaato Maxamed bin Salmaan

0
Saturday November 12, 2022 - 10:55:36 in News by A. Asbaro
  • Visits: 639
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqalka Cad oo sheegay in madaxweyne Biden aysan qorshaha ugu jirin kulan uu la qaato Maxamed bin Salmaan

    Aqalka Cad oo sheegay in madaxweyne Biden aysan qorshaha ugu jirin kulan uu la qaato Maxamed bin Salmaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aqalka Cad oo sheegay in madaxweyne Biden aysan qorshaha ugu jirin kulan uu la qaato Maxamed bin Salmaan
Hargeisa(HWN):-Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxweyne Joe Biden aysan u qorsheysneyn inuu la kulmo dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga marka uu furmo shirka dalalka warshadaha ku horumaray ee G20, kaas oo ka dhacaya waddanka Indoesia.



Lataliyaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad Jake Sullivan ayaa Jimcihii sheegay in Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uusan qorsheyneynin inuu kulan la yeesho Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Sullivan ayaa hadalkan u sheegay warfidiyeenka xilli uu Biden kasoo baxay shirka isbedelka cimilada ee Qaramada Midoobay ee COP27 oo socda waddanka Masar.

Biden ayaa la kulmay amiirka leh dhaxalka Sacuudiga bishii Luulyo, laakiin ururka OPEC+ ee uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa bilo kadib jaray wax soo saarkii shidaalka, taas oo dhabar jab ku noqotay dadaalka maamulka Biden ee lagu xakameynayo qiimaha gaaska gudaha iyo sicir bararka Mareykanka.
Reuters/VOA-Somali

Loading...
Loading...