Afhayeen Buuni Oo La Hadlay Xisbiyada Mucaaradka Somaliland
Hargeysa (HWN):-Afhayeenka
Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni ayaa sheegay in aanay jirin cid
hagar daamayn karta oo wax yeelan karta dalka Somaliland.
Cabdinaasir Muxumed
Xasan oo shalay la hadlay qaar ka mida Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in
Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi masuul ka tahay dalka wadajirkiisa iyo
Nabedgalyadiiisa,waxaana uu intaasi ku daray in doorashada Ururada
Siyaasada qabsoomayso .
Cabdinaasir Buuni oo
Arimahaasi ka hadlayayna.Waxa uu yidhi.”Dawlada Somaliland ee uu Madaxweynaha
ka yabay Muuse Biixi Cabdi ayaa masuul
ka ah dalka wadajirkiisa iyo qaranimadiisa Nabedgalyadiiisa, isla,markaana
aanay jirin cid alaale cid hagar daamayn
karta oo wax yeelan karta,waxaana u abuuran hay,adaha dastuuriga ee u xilsaaran.doorashada la galayaa waa
Doorashadii ururada Siyaasada ku soo baxayeen Saddex Xisbi qaran ee soo baxa
ayaa u tartami doona doorashada
Madaxtooyadda,”.
Sidoo kale Cabdinaasir
Buuni ayaa waxa uu tilmaamay in aan
wadahadal laga galin Dastuurka dalka u yaala.Waxaana uu yidhi”Wax laga wadahadlayaana aanay jirin shuruucda iyo
Dastuurka dalka u yaalana wadahadal
lagama galo,doorashooyinka kuma dhacaan rabitaanka dad gaara waxa ay ku dhacaan
sharciga. sida uu jidaynayo dad ayaa toban sanno sugayay Doorashada
ururada Doorashooyinka rabitaan xisbi
kuma qabsoomaan,waxaana u xil saaran qabashada Doorashooyinka Xukuumadda hadba
jirta,”.