Putin Oo 200 Muwaadiniin Mareykanka Ah Ka Maamnuucay Inay Soo Galaan Ruushka

0
Saturday November 12, 2022 - 09:31:09 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 559
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Putin Oo 200 Muwaadiniin Mareykanka Ah Ka Maamnuucay Inay Soo Galaan Ruushka

    "kuwaas oo ay ku jiraan saddex la dhalatay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"kuwaas oo ay ku jiraan saddex la dhalatay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden"


 


 

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa Jimcihii sheegtay inay ka mamnuucday 200 oo qof oo Maraykan ah inay soo galaan Ruushka, kuwaas oo ay ku jiraan saddex la dhalatay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

 

Cunaqabateyntan ayaa jawaab u ah mid hore oo Washington ay kusoo rogtay shakhsiyaad Ruush ah.

 

Waxa ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushku in shakhsiyaadka ay mamnuucday ay ku jiraan madaxweyne Biden walaalihiis, kuwaas oo kala ah Valerie Biden Owens, James Brian Biden iyo Francis William Biden.

 

Waxaa sidoo kale ku jira liiska cunaqabateyntan la saaray xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Karine Jean-Pierre.

 

VOA


Loading...
Loading...