Burburkii Soomaaliya 31-sano-21 Kacaan, Buuqa Somaliland 31-sano-21aad Kulmiye
Bal odhaahdaa Alle eeg
Bad khad ah meel ii dhig, Webi khad ah meel ii dhig, Haro, Ceel, Bali iyo
Barkad intaba meel iska dhig, hadii Booyad Shaanboo Xayraan ah oo khad ah wax
lagu qoro ma dhici karto in uu ruux Aadame ahi wada akhriyi karo haduu xitaa
inta uu nool yahay habeen iyo hirraab kala joojin akhriska!, Allaheena weyn ee
weligii Jiraha ahi wuxuu inoo soo dejiyey Kitaab Quraan ah oo kooban oo Sodon
Jis ah oo uu Alle wax inoogu sheegay oo inagu amray, sidoo kalana inooga
waramay Ummadahii hore iyo Nabiyadii uu usoo diray, dadkii xiligii Nabigeenii
Maxamed NNKH Jiray, inaka hada jirna iyo kuwa dabadeen iman doona ilaa inta
aduunka la duubaayo wax sheegooda Alle wax ugu sheegaayo, se ma ogtihiin ama
waa halkii Alle haw naxariistee Abwaan Ismaciil Xayd Xirsi "Aflow" ee
Ciddi makuu sheegtay? in Allaheena wayni uu Kitaabka quraanka ah ee hadalkii
Allihii ina abuuray ah ay ku Xusan yihiin dadkii Madaxda beri samaad inoo ahaan
Jiray ee taladu Taabka ugu jirtay ee Dad, Qoomiyad, Af, Dhaqan iyo Tafiir aynu
ka joogno!, oo weliba Karaamo iyo Sharaf ugu xusan yihiin, Alle illaaheena Wayn
waxaanu odhan ruuxii yidhaahdaa waa jaahil iyo Naar lagu Dhaab!.
Bal Hadaba Madaxdeenii
hore Illaahay wanaag sharaf, karaamo iyo Daacadnimo inay ku dihnayn ayey odhaah
xuska Alle ka Marag kacaysaa, Dhanka kale Madaxdii Dowladii Jamhuuriyada
Soomaaliya dalkii laysku odhan jiray waatii 31 sanadood oo 21 Kacaan ahayd
Afwaynta ku goosatay!, markii Askari intuu afgenbi ku qabsaday hadana intuu
Kitaab gacanta saaray waxii lawada ogaa
gaystay ee aakhirkii inta uu kabaha ka iladay guux kusii yidhi Dal iyo Dad
midna laygama Hadho!.
Burburkii Soomaaliya
Waxa Dib loo unkumay Jamhuuriyada Barkaysan, iyana maanta oo ay jirto intii
dalkii Soomaaliya laysku odhan jiray ku burburay ayaad moodaa in Jamhuuriyadii
barakaysnayd halkii gorofka laga saydhi jiray maanta in ay geestaalo, Maxaa yeelay Jamhuuriyada barakaysani maanta
waa 31 sano jir Kulmiyena wuu ku 21 tirsanayaa, Madaxweyne Mudane Muuse Biixi
Cabdi isaga oo far khad loo daray oo aan afganbi ku qabsan ayuu Shacab,
Wax-garad, Culimo, madax-dhaqameed, Ganacsato iyo Xisbiyada qaranka midna dheg
jalaq usiin, inaka oo ah Qoomiyad Diin iyo Dhaqan soo jireen ah leh oo caddaalad iyo Walaaltinimo iyo wax wada
lahaansho iyo midnimo wax ku wada qabsada, Diinteena suubana Illaahay inagu
faraayo (Aayadaha Quraanka ah sida 1, suurada 5aad aayada 8aad, 2, Suurada
16aad Aayada 90aad, 3, Suurada 55aad Aayadaha 7-9, 4, Suurada 4aad Aayada 58aad, iyo 5, Suurada
4aad Aayada 135aad,) Illaahay wuxuu inagu Amrayaa oo uu inagu Dhiiri-gelinayaa
oo uu inagu Boorinayaa oo uu ina farayaa Caddaalad iyo Xaq-soor Ummada inay u
sal noqoto, hadii kale aduunku waa goob Imtixaan ama sidii arday fasalka ay
marayeen Imtixaan laga qaadaayo hadii ay ku fowsaan ama guulaystaan way ka
gudbi fasalka, hadii ay guul-daraystaana way sii fadhiyi fasalkaa!, Waa tabta
inakana xaalkeenu yahay, Dhibta jirta ama mushkilada jirta ee indhaha shacabku
ka lalinayaan ama iska indho saabayaan ayaa ah in xisbiyadii qaranka
Jamhuuriyada barakaysan ee shacabka barakaysani kala garab socday loo kala sad
buriyo, oo Xisbi helo mudo kordhin, seeto-dheerayn iyo Mudo xileed dheeraad ah oo
Dabo-dhah ahi u meel taalo, Xisbiyada qaranka ee kalana Dabar, Qalax iyo
mudo-koobid ayaa U meel yaala! Caddaalad MIYAA?.
Iminka iyo haatan
Arrimuhu waxay u muuqdaan in wixii raga maanta joogaa shalay ay ugu
dagaalamayeen in aanu ahayn sidii loo heli lahaa caddaalad, sinaan,
Talo-wadaag, wax wada qabsi iyo midnimo qaran meel u wada jeeda, se hubaal waxa
humaaga dhabta ahi uu yahay oo ay wax ku wareemeen kursiga Dalku waa harag
sakaaro oo iga durug malaha iga kacna warkeed daa'! Taa ay iskugu biyo shubmayso,
ileen hadii kale jamhuuriyadii barakaysnayd halkii ictiraaf raadin loo dhan
yahay loo Tafo xaydan lahaa, waatan is maquurin, muran iyo qalalaaso doon loo
xusulo-duubtay, bal Hadaba Dhacdooyinka taariikhiga ahi way soo noqnoqdaan hadii aan lagu cibaaro
qaadan, waayo Burburkii Soomaaliya 31-sano-21 Kacaan, Buuqa Somaliland
31-sano-21aad Kulmiye, hadaan hada loo guntan Malaha waxa Xigi Dhulka sow kulama lihi iyo heesihii dhiiga saydhi jiray
oo Dib u dhawaaqa, Alle haynaga beri yeelee.
Hadal iyo dhamaan
Boqorkii Hobol ama Hobolow Illaahay naxariistii Jano haka waraabiyo ayaa laga
hayaa (ina Rag walaal wax uu ku dhaamo ma jirto ee aynu iswalaashano!), ee Bal
walaalayaal is walaashada, aan ku soo ood-rogo Qormo qoraalka tuducda gabaygii odhanaayey:-.
Dhayal maaha weedhiyo
warkani, aan dhiig ku soo qoraye
Sambabada dhexdoodiyo
haddaad, dhuunta gelin weydo
Dhinacyadiyo feedhaa
hadaanad, buugga ugu dhiibin
Hadaan beerku dhuunniga
u noqon, raashinka u dhiiba
Wadnuhuna xusuus dheer
haduu, dhawda fidin waayo
Maskaxdaada dhawr jeer
haday, soo dhex gelahaynin
Oonay dhibicda
faalaynahayn, muranka dhiilaysan
Dhegahaaga waanada
hadaanad, fiiro ugu dhiibin
Dharaarii ku soo maray
haddaad, hoos u dhugan waydid
Wixii dhacay shalaytana
hadaanad, maanta dhinac joojin
Haddii aad ku dhaaf uun
tidhaa, raaxadaad dheregtay
Dabaylaha dhacaayiyo
warkaa, dhaaxo kuu simane
Xooluhuba way
dhuunyadaan, raashin loo dhigo’e
Dhalmana way yaqaaniin,
waa taranta dhuuxeede
Hadduu bahal soo
dhacanna, way dhababaceeyaane
Bal maxaad ku dhaantaa
hadaan, talladda kuu dhiibo,
"Gabay-ga aan
magaca lahayn"
('Abwaan Bashiir
Ismaaciil Mire' Alle haw naxariisto.).
Dunidu Waa goob
Imtixaan
Dadka lagu Jirrabo
Doqon taa se moogan!.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!