Isbar-Bar Dhig Iyo Warbixintii Ciidanka Police Jamhuuriyada Somaliland Ee 2021 Iyo 2022.
War bixin sanadeedkii
ciidamada police ka jamhuuriyada Somaliland ay sameeyeen labadii sanadood ee
ugu dambaysay ayaa waxa aan ku sameeyey is barbar dhig si aynu u ogaano bal
xaalada dhabta ah ee dalka , waxa is badalay mudadaasi sanadka ah .
Sidoo kale waxa aan soo
jeedinayaa in qaabka loo soo bandhigo warbixinta sanadeedka policeka
jamhuuriyada Somaliland aanay ahayn mid ku haboon , sababtuna waxa ay tahay si
xil la isaga saaro waa in war bixin walba lagu xusaa dambiyada ugu badani halka
ay ka dhacaan oo la helaa warbixinta oo goboleysan , degmaysan ama ilaa heer
tuulo ay ku muujisan tahay .
Arinkaasi waxa uu inaga
caawinayaa in xooga la saaro hadba halka dhibtu ka taagan tahay isla markaana
la ogaado waxa sababaya fal dambiyeedyada faraha badan ee meeshaasi dheer tahay
dalka intiisa kale.
Hadii aad warbixintani
si wanaagsan u dhuuxdo waxa aad ogaanaysaa in aanu ka soo raynin dambiyada
dalka ka dhacaa ee ay sii bateen 75% , waa arin laga xumaado isaga oo
dhaqaalaha dalku ama miisaaniyada qaranku 35% lagu bixiyo amniga dalka
dhinacwalba , sidoo kale ciidamada nabadgalyadu tababaro iyo dhaqaaleba ka
helaan dawladaha ay jamhuuriyada somaliland xidhiidhka wanaagsan leeyihiin,
hay'adaha qaramada midoobay , hay'adaha nabadgalyada ee caalamka iyo guud ahaan
police ka aduunka.
Mohamed Abdi Jama
Mohamed dhimbiil
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!