Doorasho Dalka Ka Dhici Mayso Ee Maxaa Xal Ah?
Xiligii madaxweyne M.Biixi loo doortay in uu madaxweyne dalka ka ahaado waxa ka hadhay 2 casho. Doorashona dalka ka qabsoomid mayso. Muddo kordhintii golaha guurtida u kordhiyeen madaxweyne M.Biixi
Waa sharci daro. Waayo?
Xaaladihii lagu kordhin
jiray iyo shuruudihii lagu kordhin jiray dalka kama taagna, mana jiraan. Muddo
kordhin madaxweyne ma jirto xisbiyada mucaaradka ogolaan maayaan . Hadii aanay
isla ogolaan xisbiyada qaranka Somaliland oo dhammi.
Waxa kale oo sharci
daro ah Muddo kordhintii ay isu kordhiyeen golaha guurtida 5-ta sano ahaa. Waxa
uu dadku qaaday waddo sharci darro ah oo aan cidina aqoonsanayn xukuumadda iyo
M.Biixi iyo maamulkiisa.
Halkaasna waxa ku soo
afjarmaaya dimuqraadiyadii iyo doorashooyinkii iyo axzaabtii dalku lahaa . Waxaana
bilaabmaysa nidaam keligii talis nimo ah oo diktaatooriya.
Waxaynu wada ognahay in
uu M.Biixi 5-tii sano ku dhamaystay wax
qabad la'aan iyo khilaaf siyaasadeed iyo sawaxan iyo xadhig iyo qabyaalad iyo
eex iyo cadaalad daro iyo shaqo la'aan iyo dhac iyo boob iyo sicir barar iyo
faqri iyo gaajo badan oo dadka soo wajahday.
Hadaba hadii 2-bo sano
loogu daro Muxuu qabanayaa ee ka qabyo ah .?
Ee aan dib u dhac
ahayn. M.Biixi iyo ku xigeenkiisu waxay
ahaayeen dad la doortay oo shacabku codkooda siiyeen Maantana xoog dalka kuma
haysan karo iyo inqilaab. Hadii kale
halkaas waxa ku burburi doonta Somaliland.
Dalka waa in laga
badbaadiyo khilaaf siyaasadeed oo aan dhamaan lahayd .
Waana in ay wax garadku
iyo aqoon yahanadu iyo salafiyiintu iyo culimadu iyo bulshada inteeda kale isu
kaashato badbaadada qaranka Somaliland.
Waa inay beesha
caalamka soo dhex gashaa oo ay khilaafkan siyaasadeed xal iyo dhexdhexaadin ka
gashaa. Sidaas awgeed dalka iyo dadka waxay u baahan yihiin badbaado qaran.
Badbaadada qudha ee
dadku ku badbaadayaana Waa in doorasho isku sidkan la qabto (Doorashadii madaxtooyada iyo tii ururada) . Oo
la raaco go'aankii komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ee 9-ka bilood
ahaa in ay ku qabtaan . Iyo xeerka golaha wakiilada soo saareen ee ay u
gudbiyeen golaha guurtida ee aanay weli eegin.
Arintaas oo qudha ayaa
badbaado iyo xal u ah dhinacyada isku haya khilaafka siyaasadeed iyo sharci
(M.Biixi iyo xisbiyada
mucaaradka) . Tii al-laah-na maqan.
Cali maxamed Biixi
Calibiixi
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!