Immisa Xabo Oo Toon Ah Ayuu Qofku Cuni Karaa Maalintii?

0
Friday November 11, 2022 - 08:59:25 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1338
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Immisa Xabo Oo Toon Ah Ayuu Qofku Cuni Karaa Maalintii?

    Tarjume: Ustaad Siciid Xagaa Afrax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tarjume: Ustaad Siciid Xagaa Afrax



 

Toontu way wanaagsan tahay, laakiin ha cunin wax badan. WHO waxay ku talinaysaa in la cuno 1 ilaa 2 xabo oo toon ah maalintii.

Cunista xaddi badan waxay keeni kartaa calaamado ay ka mid yihiin calool xanuun, shuban, dibiro, iyo ur xun.

 

Toontu waa nafaqo-cufan, iyadoo halkii xabo toon ah oo cayriin ah ay ka kooban tahay 15 kalori, 3 garaam oo karbohaydrayt ah, 0.58 garaam oo borotiin ah, 2.85 mg oo fitamiin C ah, 1.29 mg oo selenium ah, iyo 0.15 mg oo bir ah.

Cilmi baaris cilmiyeed ayaa cadaysay in cunista toonta cayriin oo kaliya ay kor u qaadi karto faa'iidooyinka caafimaad ee toonta.

 

Toonta waxaa ku jira alliin. Allicin, oo ah maaddada ugu muhiimsan ee toonta ku jirta, waxa ay leedahay shay-bakteeriyayaal xooggan iyo dawo-bararka kuwaas oo kor u qaadi kara difaaca dabiiciga ah ee jidhka, kor u qaadi kara hab-dhiska difaaca iyo hagaajinta caafimaadka guud.

 

Toonta waxaa loo arkaa cunto cimri dheer. Marka la eego qiimeynta cuntooyinka cimriga dheer ee adduunka, toonta ayaa ku jirta kaalinta labaad.

Jarmalku waxay si gaar ah u jecel yihiin inay cunaan toonta cayriin, waxay cunaan 8000 oo tan oo toon ah sannadkii.

 

Daraasad ayaa leh Jarmalku waa mid ka mid ah wadamada ugu cimriga dheer aduunka, celcelis ahaan cimrigiisu waa in ka badan 80 sano. Jarmalku waxay aaminsan yihiin in cimrigoodu uu si dhow ula xiriiro isticmaalka toonta.

 

 

Tarjume: Ustaad Siciid Xagaa Afrax


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...