Samahaan Ku Deeqine Qori Baa Ku Samir-Siin ( Abdi-Shotaly).
Ninka samaha diidaw,
qori baa ku samari-siin, sacab kugu dhirbaa-xiye, wakhtigaa ku soo ridi, markuu
seeto kugu xidho, soo joogso diidaye, soo jiifta ogolaw, si xun baad u bixiyoo,
nabad seexan mayside, sabab kale ha eersanin, aduun-sadhayse, saac kalaa inoo
bixi. Subixii ku dhaafiyo. Kanaan saaka joog-niyo, kuwa soo socdee iman, waa
silsilad inoo taxan, sadkii Eebbe kuu qorey, qof-na saydhin maayo'e, sanduluu
inagu yahay, samahiyo xumaan-tana, wuxuu saatir kuu dhigay, kolay
seegi-mayside, ha saluugin waayaha, saadaashu waa guul, Sahan-keen waa khayr,
Saxan-saxaa uraysoo, Sagal baa da'aayoo, Sebenkii xumaayo, Wixii saxal na soo
maray, Saaka way bedelin-yiin, Waa sanad barwaaqoo, Askartii na dhaatoo, Silic
baw dhamaado, Shaq-dda dhexe habeenkii, Sarku-dhaban ayey-yiin, Sakaradal mawd
baa, Surka kaga wareegoo, Soo dhamaa fal-kooddii, naxashkii la saaryoo, nolol
Bay is aaseen, Subxaan mahadii weeye, Allahayaw siddii roon, umadaas la
sirayana, adigaa samays-taye, saaxiriiinta naga qabo.mid saluug leh mooyee, ruux
saxan ma haynee.
Waxa la yidhi "
Damiinka far waaweyn baa wax loogu qoraaye" Oo waa sidda askarigan "
Raggii ma adigaa ka hadhay" Kuu ku adeegto ee Geenyo Shaaximan iyo Digsi
Xagatada uu cad quudheedka u tuuro'e, ummadu way hadashay meel ay joogaa-ba waxana
ay si waadixa u cadeeyeen in ay " Waddani yihiin" Oo aanay waxba u
hayn " Qudhmiye" Marka laga soo bilaabo Gobolka Sanaag oo isu wadda
dhan,Sool oo so cad ugu muujisay taageerno aan xad lahayn, Saraar oo aan u kala
hadhin, Togdheer oo u quus Goysay, Oodweyne oo tidhi a aga maaha cidda aad kala
qaybinaysaa, ee " Digsi Xagato" Meel ha ku geyso, Degmadda Sheekh oo
dhoolo-tus ku baraq-jebisay Askarigii is lahaa isku hayb baad tihiin, sasana uu
ka qaaday, Awadal oo iyadu Beri hore ka faraxalatay, oo kaadi-diisa kalax ugu
shubtay. Maroodi-Jeex oo in hal Milyan sare u dhaaftay, iska Daa Hargeysa
gudaheedda inta dhex joog-taye, ee ilaa Haleya meel cagta la dhigaa aanay
jirin. Askar ku sheegtii uu " Daba-Dhaqe" Soo dhoobay oo lafa-hoodda
u baqay, oo is yidhi dadka baa idin qaadi haddii aad far dhaqaaji-saan, umadaas
oo ka koob-nayd ama ka timi dhamaan qaybaha hargeysa, Goboladda Hawd, Gebiley
iyo daafaha Hargaysa. Akhristaw Askariggii " Xaafad-tooyadda" Maanta
cidi baa calooshiina ku jabtay, si wacana waa loo quusiyey, aan ka soo noqosho
lahayn.
Hees baa waxa ka mid
ahaa ereya-deedda " Allahaw banaan-kaba bohol kama malaysa-nine,
i-bixiyaw-i- bixi" Ee bal intan hoose akhri iyo waq-dda ku dhacday
Askariggii waalaa, halka ay la marsyso farsamo xumaan-tiisii bilaa maskaxdda
ahayd, weliba ay u sii raacsanayde "Nacayb Reer" Waxa intaa dheer oo
aanu meesha-ba soo dhigan, imika ilaa xalay waxa hoos u shiraayey, Ururaddii la
yidhi waad dhaceen, oo iyana ka wadda hadlaaya siddii ay ugu biiri lahaayeen
"Xusbigga Rajadda Shacabka Ee Waddani" Horaa loo yidhi " Miyuu
ku tallo galay-ba in taasi ku timaado, awelba maryaha diriqi buu ku sitaye,
imikuu nigis-kiina iska sii siiba yaa" Yaa Waduud" Muwaadin saw maaha
kii la yidhi " Karis xun, iyana wax ku la'" Qof isagu is dilayaa lama
maarayn karo" Waayo ruux-na naf-tiisa lagama ilaalin karo. Wax-ba Yaanay
ila sii durkine, waxan ku soo duubay maqaalkan. Wax khiyaamee buu is leeyahay,
oo maalmahan, wuxu ku AF gobaad-sadaa, waxan qabanaya a doorashaddii wakhtigu
uu cayimay "Komishanku" oo been ah, misana way kala hadlayaan
daba-dhilif-yadda uu kursiga isugu ruxaa. Bal Inuu xuuf yahay aan lagu soo
Dhawaan, oo aan is dhegaysan, wuxu hadana leeyahay, waxa soo horeeya
doorashadda Ururadda, kuwa ka soo baxa baan la tartamayaa. Bal is waydiiya oo
yuu ku khaldi karaa ee ka maskax xun, la-yaabse malaha, oo waa kii uun aynu si
wacan uga wadda dheregsan-nahay, waxay yahay iyo waali nacadta ka buuxdda,
waxan ku soo qoofalay hadal " Nafa
ku jirtaa la qayli-naysa yaa kan iga saara kuma dhex jiri karo'e".
* N. B Soo Joogso
Diidaye, Soo Jiifta Ogolaw!
Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!