Dawlada Soomaaliya Oo Heshiis Dhaqaale Badani Ku Baxayo La Gashay Midawga Yurub Iyo Meelaha Uu Khuseeyo

0
Thursday June 13, 2019 - 16:00:27 in News by
  • Visits: 2634
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaaliya Oo Heshiis Dhaqaale Badani Ku Baxayo La Gashay Midawga Yurub Iyo Meelaha Uu Khuseeyo

    Dawlada Soomaaliya Oo Heshiis Dhaqaale Badani Ku Baxayo La Gashay Midawga Yurub Iyo Meelaha Uu Khuseeyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Soomaaliya Oo Heshiis Dhaqaale Badani Ku Baxayo La Gashay Midawga Yurub Iyo Meelaha Uu Khuseeyo


Muqdisho(HWN):-Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa heshiis la gashay midawga wadamada yurub.


Munaasibad uu goob joog ka ahaa raysal wasaare ku xigeenka soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa wasiirka qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan waxa uu heshiis la xidhiidha maalgashiga kula saxeexday safiirka midawga Yurub u fadhiya soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez.




Heshiiskan maalgashi ee ay kala saxeexdeen soomaaliya iyo midawga Yurub ayaa ku kacaya lacag gaadhaysa 42 milyan oo yuuro kaas oo dib u dhis loogu samaynayo wadooyinka dalka.


Mashruuca dib loogu dhiso waddooyinka gobolada soomaaliya ayey dawladu ugu tala gashay inuu qayb ka noqdo kor u qaadida awooda hay’addaha federaalka ah iyo kuwa maamul goboleedyada.


Heshiiska ay kala saxeexdeen soomaaliya iyo midawga Yurub ayaa hirgelinaya dayactir lagu sameeyo 355KM oo ka mid ah wadooyinka dalka kuwaas oo qaarkood dib u dhis balaadhan lagu samayn doono.




Wasiirka qorshaynta,maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo ka hadlay heshiiskan uu saxeexay ayaa sheegay in dhaqaalahan ay ka helayaan midawga yurub uu sii xoojinayo taageero ay hore uga heleen, waxaanu yidhi "Dawlada federaalku waxay soo dhawaynaysaa taageerada joogtada ah ee midawga yurub siinayaan soomaaliya, taageerada dhaqaale ee heshiiskan aanu maanta saxeexnay oo gaadhaysa 42 milyan oo yuuro waxay sii xoojinaysaa lacag gaadhaysa 100 milyan oo yuuro oo aanu hore uga helnay midawgaas wadamada yurub.”


Dhinaca kale safiirka midawga yurub u qaabilsan soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez ayaa ka hadlay heshiiskan ay la galeen soomaaliya "Midawga yurub waxa uu u faraxsan yahay heshiiskan uu la galay dawlada soomaaliya ee lagu dayactirayo wadooyinka muhiimka ah ee dalka, kuwaas oo sare u qaadi doono koritaanka dhaqaalaha ee dalka iyo gobolada, runtiina dayactirka iyo hagaajinta wadooyinka waxay keenayaan horumar laga gaadho shaqo abuurka, caafimaadka waxbarashada iyo adeegyada muhiimka ah ee ay bulshadu u baahan tahay.”



dhinaca kale raysal wasaaraha soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo ka hadlay heshiiskan ay soomaaliya la gashay midawga yurub ayaa sheegay in mashaariicda laga maalgalinayo dhaqaalaha ay ka helaan heshiiskaasi ay muhiim u yihiin guud ahaan dalka, kuwaas oo uu tilmaamay inay wax badan ka tari doonaan horumarinta adeegyada bulshadu u baahan tahay.

Loading...
Loading...