Taxanaha Caafimaadka
1. Xilliga ugu badan
sokortu kacsan tahay waa subaxdii sababtoo ah habeenkii waxaa aad u shaqeeya
Hormanada qaar sida Adrenalin, Cortisol iyo Glucagon marka cabir sokortaada
habeenka aadan ku cashayn wax bur ka samaysan, baasto iyo bariis
2. Sida ugu fiican
looga hortagi karo in hormonadaasi kiciyaan sokorta waa in
qofku casheeyo maqribka ka hor ama uu sameeyo jimicsi cashada kadib, cashada
cishaha kadib waxay qofka usoo dadajisaa cudurada halista ah sida sokorta iyo dhiigkarka
3. Sababta ugu badan
dadka xusuustooda yaraysa ama badisa hilmaanshaha waa cunista waxyaabaha
macaanka ah ama sokortu ku badan tahay. Macaanka in qofku cuno waa halis
waxaase ka halis badan qofka inuu wax macaan aad u cuno isagoo aan samaynayn
wax exercise ah dhididna uusan ka baxayn
4. Dadka ugu badan ee
ka badbaada cudurada lala noolaado sida sokorta, dhiig karka iyo kalastaroolka
waa dadka qabta shaqooyinka gacanta laga qabto sida dhisida guryaha ama sameeya
socodka 60 daqiiqo xiriir ah
5. Farqiga u dhaxeeya
Beerka qofka sokorta aadka u cuna iyo qofka sokor cunistiisu yar tahay waa
midka sawirka kaaga muuuqda. Beerka qofka sokorta aadka u cuna waa beerka madow
sawirka kore nadiif ma noqdo qofkaas beerkiisa. Sidaa darteed macaanka inta aad
iska yarayn Karto yaree si beerkaaga uusan ugu samaysmin dufan
Qodobkee Aad Kusoo
Jiitay?
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!