Xadiga Dambiyada Dhacay Way Kordheen Marka La Eego Warbixintii Police Ka Ee 2021 Iyo 2022
Sida aynu ka warqabno
dhaqaalaha dalka jamhuuriyada Somaliland waxa uu ku baxaa 35% nabadgelyada,
dabcan awood badan baa la galiyaa sida ku cad miisaaniyada qaranka jamhuuriyada
Somaliland sidoo kale waxa ay ka helaan ciidamada nabadgalyadu taakulo iyo
tababaroba hay'adaha caalamiga ah iyo dawladaha jamhuuriyada Somaliland ay xidhiidhka
wanaagsan leeyihiin.
Ciidamada police ka
jamhuuriyada Somaliland waxa ay hoos tagaan wasaarada arimaha gudaha oo
qaabilsan amniga dalka , doraad waxa ay ahayd sanadguuradii 29naad ee ciidamada
police ka jamhuuriyada Somaliland waxaana halkaasi laga jeediyaa sanadwalba
dambiyadii dalka ka dhacay sanadkii dhamaaday.
Haddaba qoraalkan aan
idin la wadaagayo waxa aan is barbardhig ku sameeyey labadii warbixinood ee ugu
dambeeyey 2021 iyo 2022 si aynu u ogaano amaanka dalka , xadiga dambiyada
dhacay yareyntooda iyo sugida nabadgelyada dad iyo duunyoba waxa mudadaasi
isbadelay.
Dhinaca kale warbixinta
police ka waa in si ka horumarsan sida hada loo soo saaro la sameeyaa oo aynu
helaa warbixin goboleysan , degmaysan oo ilaa heer tuulo fal dambiyeed waliba
meesha uu ka dhacay ku cadahay arinkaasi waxa uu sahlayaa halka awooda la
saarayo sanadka dambe iyo waliba in la ogaado sababta keentay dambiyada badan.
Dabcan hadii aynu eegno
waxa muuqata in dambiyadu sii badanayaan sida ka muuqata warbixinta oo uu jiro
korodh aan caqli gal aheyn markaa waxa aan halkan idin kula wadaagay hordhac
kooban , inta kale waxa aad akhrisan doontaan mareegaha waxa laga akhriyo insha
Allah.
Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!