Xukuumada Madaxwayne Biixi Ma Xal Siyaasadeed Ayey Keentay Mise Waa Xeelad Kale?
Ka dib doorashadii 31
May 2021 ee golaha wakiilada iyo golayaasha deegaanka lagu soo doortay dalka
jamhuuriyada Somaliland waxa uu ku jiray murug siyaasadeed iyo muran
doorashooyinka iyo xeerarkooga ah.
Waxa 10 maalmood oo
kali ahi ka hadhay maalintii ay u astaysnayd doorashada madaxweynaha
jamhuuriyada Somaliland ee 13 Nov 2022 oo ay hay'adaha qaranka u qaabilsan
doorashooyinku sheegeen in aan doorashadii madaxweynuhu xiligeedii ku dhici
doonin war murtiyeed ay soo saareen 24-Sept-2022.
Waxaana gudiga
doorashooyinka qaranka jamhuuriyada Somaliland soo jeediyeen in ay ku
qabanayaan mudo 9 bilood ah doorashadii madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland oo
ka bilaabmaysay 1-Oct-2022 arinkaasi oo ay soo dhaweeyeen daneeyayaashii
doorashooyinku markiiba.
Haddaba golaha guurtida
jamhuuriyada Somaliland ayaa madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland u sameeyey
mudokordhin 2 sanadood ah taariikhdu markay ahayd 1-Oct-2022 , halka isla
golaha guurtiduna mudo xileedkoogii ku kordhisteen 5 sanadood oo buura ah.
Mar qudha ayaa waxa is
badelay jawigii siyaasadeed ee dalka oo cirka isku shareeray waxaana abuurmay
sawaxan iyo buuq lagaga soo horjeedo labada mudo-kordhineed ee golaha wakiilada
jamhuuriyada Somaliland sameeyeen , sidoo kale beesha caalamka iyo dawladaha
Somaliland ka taageera doorashooyinka ayaa ka soo horjeestay talaabadan.
Haddaba waxa aad moodaa
in xukuumada jamhuuriyada Somaliland aanay ku qancin mudada golaha guurtidu u
kordhisay oo diyaar u yihiin in dalka doorasho ka dhacdo 2023 sidoo kale
miisaaniyada ayaa lagu daray kharashkii doorashooyinka lagu qabanayey.
Arinkaasi waxa uu soo
afjarayaa doodii labada xisbi mucaarid ee ku salaysnayd in aanay sharci aheyn
mudo kordhinta 2 sanadood ee madaxweynaha loo sameeyay isla markaana aanay
jirin duruuf sharci oo keenaysa ama sugaysa saxnimada mudokordhinta.
Isku soo wada xoori
xukuumadii jamhuuriyada Somaliland waxa ay cadeysay in doorashada sanad gudihii
lagu qabanayo , sidoo kale doorashooyinka soo socda ay galayaan sadexda xisbi
ee ka soo gudba tartanka ururada siyaasada iyo axsaabta qaranka oo la filayo
isla 2023 in uu jamhuuriyada Somaliland ka qabsoomo , markaa xukuumadii ma xal
bay keentay mise waa xeelad kale ?
Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!