Rasaas Xooggan Oo Laga Maqlayo Magaalo Ku Taalla Itoobiya

0
Sunday November 06, 2022 - 16:51:13 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1353
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rasaas Xooggan Oo Laga Maqlayo Magaalo Ku Taalla Itoobiya

    "Subaxnimadii ee saaka , magaalada ayay gudaha usoo galeen, rasaas xooggan ayaa laga maqlayay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Subaxnimadii ee saaka , magaalada ayay gudaha usoo galeen, rasaas xooggan ayaa laga maqlayay"



Dagaal xoogan ayaa ka socdaa Nekemte oo ah mid kamid magaalooyinka ah ugu waaweyn gobolka Oromada ee dalka Itoobiya, sida ay ilo wareedyo ku sugan magaalada ay BBC-da xaqiijiyeen.

 

Kooxo hubeysan oo ka tirsan ciidamada xoreynta Oromadaee OLF ayaa saaka gudaha u galay magaalada, waxayna rasaas ku fureen ciidamada ammaanka ee dowladda, sida uu BBC-da u sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka oo codsaday inaan magaciisa la sheegin.

 

"Subaxnimadii ee saaka , magaalada ayay gudaha usoo galeen, rasaas xooggan ayaa laga maqlayay bartamaha magalaadaā€¯ ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

 

Wararka waxay sheegayaan in rasaasta ay ka dhaceysay meel saldhig militeri oo ku yaalla halkaas.

 

Dowladda Itoobiya weli kama aysan hadlin arrintani.

 

BBC-da waxy isku dayday inay la xiriirto duqa magaalada iyo saraakiisha amniga balse inooma suurtagalin inay la hadlaan.

 

BBC


Loading...
Loading...