"12 Jillib ayaa tartamaaya, Markaa Ciiddagale Inay Dhacaan Muusoow Aqbali maayaan" Guddoomiye Faysal Cali

0
Sunday November 06, 2022 - 13:19:17 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1998
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "12 Jillib ayaa tartamaaya, Markaa Ciiddagale Inay Dhacaan Muusoow Aqbali maayaan" Guddoomiye Faysal Cali

    "12 Jillib ayaa tartamaaya, Markaa Ciiddagale Inay Dhacaan Muusoow Aqbali maayaan" Guddoomiye Faysal Cali

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"12 Jillib ayaa tartamaaya, Markaa Ciiddagale Inay Dhacaan Muusoow Aqbali maayaan" Guddoomiye Faysal Cali


Hargeisa(HWN):-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inaanay aqbalayn qorshaha uu Muuse Biixi ku doonnaayo inuu saaxadda siyaasadda kaga saarro labadda Xisbi mucaarid ee WADDANI iyo UCID.
Faysal Cali Waraabe: Madaxweynaha Waxan Leenay Dadku Maanta Iib Maaha Ee Dariiqii Rayaale Mar – HargeisaPress


Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo khudbad ka jeeddiyay munaasibad qallin-jebin ah oo jaamacadda Bedder ay u qabatay Arday ka baxaysay, waxa uu sheegay sagaal urur-siyaasaddeed ay soo baxeen saddexdii Xisbi ee hore marka lagu darrana ay yihiin 12 jilib, taasoo uu sheegay inaanay Ciiddagale aqbalayn in dhacaan.

"Dawladda maanta joogta toddobo cisho ayaa u hadhay intii aannu dooranay, waxaannnay dawlad ku noqotay markii aannu labadayadda Xisbi ogolaanay, oo weliba Xisbiga UCID uu ugu horreeyay, ayay ku hirgashay. Distoorkunna shan sanadood ayuu siiyay, markaa shantii sano toddoba cisho ayaa u hadhay, 13-ka November-na halkii aannu ka taagnayn marka qolada Xisbiga WADDANI soo noqdaan ayaannu ku celinaynaa.

Waxaan leeyahay maanta oo aan bixinayaa tallo odaynimo, waxaad ogtihiin halka maceeshaddu marrayso, waxaad ogtihiin halka shaqo la'aantu marrayso, waxaad ogtihiin adduunka waxa ka taaggan. Waxaad la socotaan shir beelleedkii 1993-kii Alle ha u naxariistee Cabdiraxmaan Tuur qollooyin-baa u tagoo waxay ku yidhaahdeen ha wareejin waxa uu ku yidhi "Waar ordoo iga taga ma Kursi baan ku daggaalamaa" Ahmed siiyaanyo markii 85-ka cod lagaga helay waxay ku yidhaahdeen waar ha ogollaanin, waa kii iska diidday ee aqbalay doorashaddii Rayaale, markaa waxaad ogaattaan innagu Kursi kuumaynaan dagaalami jirin ee danta guud ayaynu eeggi jirnay, maantase way ka duwan tahay oo Muuse Biixi wuxuuu leeyahay anna waan joogaa idinkunna waad tagaysaan, taasna yeeli mayno.

Waxaan leeyahay Muuse Biixi saleebaan waxba kuuma tarin kuumanna kordhin karro ee annaga ayay nagu xidhan tahay, markaa Muuse waxaan leeyahay Sharcigii raacoo doorashaddii Madaxtooyadda inoo qabo oo sagaalkaas billood ku salaysan, hadda waxa soo baxay Sagaal urur siyaasaddeed iyo saddexdii Xisbi waa 12, markaa 12 jilib Ciiddagale ma ogollaanayaa inay dhacaan." Ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.



Loading...
Loading...