Macaamiisha Lama Xumeeyo.
Nin tuug ah oo waliba
nooca la yidhaahdo caadaystaha oo sanadka intiisa baan xabsiga ku dhamaysta oo
inta uu banaanka joogaa anay ka badnayn celcelis ahan sanadkii bil ama laba ayaa sanad kaliya 3 jeer la
horkeenay Garsoore kaliya.
Mar saddexaadkii ayaa
garsoorahii oo aqoonsaday ninkii intaanu
xukumin su,aalay ninkii "Waar miyaanad ahayn kii aan laba jeer ee hore aan
xukumay?" Oo intaanu u jawaabin waydiiyay " Waar hadmaad ka waan
toobaysaa tuugada?".
Oo isagoo cadhaysan ugu
hanjabay inuu lix sanadood xidhi doono si dadku uga raysto, Tuugii ayaa aad u
qoslay, Garsoorahii oo la yaaban waxa uu ku qoslayo ayaa su,aalay
"Waar maxaad ku
qoslaysaa" Tuugii oo weli qoslaya ayaa ku yidhi garsoorahii "waxaan
ku qoslaya caqli xumadaada".
Garsoorahii oo u qaadan
la' hadalka uu ku yidhi ayaa yidhi, "Waar ma aniga caqli xun?".
Tuuggii ayaa garsooraha waano ahaan ugu yidhi "Garsoore meheradda ha iska
xumeyn, macaamiisha waa lasoo dhaweeyaa oo waxbaa laga dhimaa, hadaad I xumeyso
yaad xukumi!!"
Mawliid Maxamed Siciid.
Xigasho, 100 Sheeko
& Sheeko.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!