Saaxiibtinimadii Siilaanyo Iyo Tuur Ee Isa Seega Ku Dambaysay Maxaa Sababay?.
Sida ku dhigan buugga
Somali Phoenix ee uu qoray AHUN Jeneraal Jaamac M Qaalib. Cabdiraxmaan Tuur markuu SNM ku soo biirayba
waxaa si dhaw u soo dhaweeyay Siilaanyo oo ka xigsanaya calancastii xiijisay
iyaguna ay Tuur geeska geliyeen iyagoo saamayntiisa ka baqo qaba, markii dambe
waa tii timi in Siilaanyo oo beeshiisa wataa ay dhisaan laguna cumaamaday
Balligubadle.
soo gelitaankii Burco Tuur ayaa u bandhigay
Siilaanyo xilka raisal wasaare se xilkaas wuu ka cudurtaartay Siilaanyo ka dib
markuu xaaladda markaas lagu jiray qiimeeyay oo uu aaminsanaa in go'itaanku
aanu waqti badan jirayn, beesha Siilaanyo ayaa maqashay diidmada booskaas oo
soo qasabtay inuu qaato raisal wasaaraha oo uu ka diiday Tuur markii dambe,
cadaadisyada arintaas ay dhalisay waxaa
ka mid ahaa beeshii Xassan Ciise oo u arkay in jagadaasi ay naafoobi doonto,
haddii raisal wasaare la sameeyo, sidaas ayuu Siilaanyo kula saftay calancastii
labadoodaba mucaaradka ku ahayd halkaas ayaanu khilaafkoodu ka bilaabmay.
Waxa qoray Axmed
Saleebaan
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!