Kaftanka Maanta, Isaxaaq Carre Iyana Waxaan Leeyahey.

0
Saturday November 05, 2022 - 14:28:29 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1837
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kaftanka Maanta, Isaxaaq Carre Iyana Waxaan Leeyahey.

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje



Sheekaba sheeko ayay keentaaye waxa la yidhi waaggii shirwaynihii 3aad ee beelaha somaliland 1997 ayaa markii cigaal la doortay saleebaan iyo maxamed xaashina dhaceen ayaa qudbad la siiyey dabeeto maxamed xaashi ayaa qudbadiisii ku daray " Ilaahayoow ama dadkayga sidayda ka dhig ama iyaga sidooda iga dhig " .

 

Imika waa halkaase Beelaha subeer awal maqli maysid xangeeyadda  hawdka burco ilaa jufo uurayda galbeedka hargaysa beel gooni uga baxday.

Sidoo kale beesha habar jeclo beer ilaa  bardaha ceergaabo iyana arki maysid beel gaar uga baxda.

Sidaas si la mid ah  beelaha kale oo dhami waa wada jumlad beel tafaariiq ihina ma jirto.

 

Sidaas markay tahey beesha isaxaaq carre ee ilaa  1995 is barbarinaysa waxaan leeyahey niman  yahow cid booskaa idinku labaysa  oo sidiina  gooni u goosada  beelihii kale laga weeye waaye  , waa halkii maxamed xaashiye  ama  Ilaahy sida beelaha kale ha idinka dhigo ama beelaha kale Ilaahey sidiina haka dhigo.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...