Taliye Taani Oo Ka Jawaabay Hadhuudh & Arabikhi Lagu Caayay

0
Saturday November 05, 2022 - 09:55:35 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1376
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye Taani Oo Ka Jawaabay Hadhuudh & Arabikhi Lagu Caayay

    "Ninka Taliyaha ee hadlayay maalin dhawaydbaa la magacabaay qurbahana wuu ka yimid"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ninka Taliyaha ee hadlayay maalin dhawaydbaa la magacabaay qurbahana wuu ka yimid"



Hargaysa (HWN) Taliyaha Guud Ee Ciidamada Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaacil Taani oo hada u jawaabay Taliyaha Ciidanka Puntland ayaa yidhi "Puntland Jaarbanu nahay weli Somaliland hadal xun kuma odhan waxaanu ku dhawarnaa jaarnimada.

 

"Ninka Taliyaha ee hadlayay maalin dhawaydbaa la magacabaay qurbahana ayuu ka yimid, wixii dalka ka dhacay waxba kamuu ogayn, Kalmadaha uu cayda ka dhigayay isagoo aniga IIjeeda waxaa ka mid ah Hadhuudh, Arabakhi iyo Huuno. Hadhuudhka iyo masagadu waa cuntadeena, Huunana waa Aboowe oo kale” ayuu yidhi taliyuhu

 

Taliye Taani ayaa usoo jeediyay taliyaha cusub ee ciidanka Puntland inuu dagaalka iska daayo  "Waxaan ku leeyahay iskadaa dagaalka nabadgelyada ka shaqee kuwii kaa horeeyay waydii sidaasa lagu wada shaqayn jiray Dagaal ayuu ka hanbajayay anaguna waanu naqaana sida loogu jawaabo” ayuu yidhi.


Loading...
Loading...