Kuuriyada Waqooyi Ma Waxa Ay Dib U Billaabi Rabtaa Tijaabinta Gantaallada?

0
Saturday March 09, 2019 - 09:29:34 in News by Super Admin
  • Visits: 1467
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kuuriyada Waqooyi Ma Waxa Ay Dib U Billaabi Rabtaa Tijaabinta Gantaallada?

    Sawirro uu qaaday dayax gacmeed dulmaray xarun ku taal meel u dhow caasimadda Pyongyang ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawirro uu qaaday dayax gacmeed dulmaray xarun ku taal meel u dhow caasimadda Pyongyang ayaa

muujinaya in Kuuriyada Waqooyi ay isu diyaarinayso inay tijaabiso gantaal ama ay hawada sare u dirto satellite.



Warkan ayaa ku soo beegmaya maalma uun ka dib markii ay laba xarumood oo cilmi baarista ah oo Maraykanka ku yaal ay sheegeen in dalkaasi uu dib u dhisay goob gantaallada laga riddo.


Kuuriyada Waqooyi ayaa u muuqata inay samaysanayso gantaal ay mustaqbalka dhaw tijaabin doonto, sida ay tilmaamayaan khubarada hubka ee Maraykanka.


Dhaq-dhaqaaq ballaaran ayaa ka socda xarunta gantaallada lagu diyaariyo ee Sanumdong oo ku taal meel u dhaw caasimadda Pyongyang.


Gawaari xamuul ah ayaa la arkay iyagoo galaya ama ka baxaya xaruntaasi, taasoo sida horay looga bartay ka dhigan in Kuuriyada Waqooyi ay goobtaasi geyneyso gantaal si ay uga ganto.


Sida ku cad sawiradda la baahiyay, xukuumadda Pyongyang ayaa dib u dhistay goobta ay ka ridi jirtay gantaallada, waxaana suuragal ah in hadda ay si buuxda u shaqeyso.


Khubarada qaar ayaa ku doodaya in Kuuriyada Waqooyi ay hawada sare u diri rabto dayax gacmeed oo aanay tijaabin rabin gantaal, balse taa xitaa waxa ay meel ka dhac ku noqonaysaa ballanqaadkii uu Kim Jong-un u sameeyay Donald Trump.


Dayax gacmeed ay hawada u dirto Kuuriyada Waqooyi ayaa sidoo kale caqabad ku noqon kara wadahadallada u dhexeeya Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi, sida horay u dhacdayba.

Sources: BBC

Loading...
Loading...